4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 16, 2018
Qatar Airways oo bilaabeysa duulimaad toos ah oo u dhaxeeya magaalooyinka Muqdisho iyo Doha

 

Axad, December, 16, 2018 (HOL) – Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa marti-galinaya sharikadda Qadar Airways oo markii ugu horeeysay duulimaadyo toos ah  ka bilaabidoonta magaalooyinka Doha iyo Muqdishu.

Shirkadda Qatar Airways ayaa bilaabeysa duulimaad toos ah, usbuuciiba saddax (3) jeer bisha July 1deeda ee sanadka 2019ka sida ay HOL u xaqiijiyeen shaqaale ka shaqeeya Qadar Airways.

Shirkadda Ethiopian Airline ayaa dhawaan bilaawday dulimaad rasmi ah oo u dhaxeeya magaalooyinka Muqdisho iyo Addis Ababa. Waxaa dib u dhac ku yimid Sharikadda Kenya Airways oo la filayey in ay duulimaadyo toos ah ka bilowdo magaalooyinka  Muqdisho iyo Nairobi.

Shirkadda diyaaradaha Turkish Airlines ayaa si joogta ah uga soo degta garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, waxaana ay ka mid tahay diyaaradihii ugu horeeyay ee heerka caalami ah si rasmi ah uga howlgala garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Shirkadaha dayuuradaha ee ku soo badanayo garoonka  caalamiga ee Aadan Cadde ayaa la filayaa in uu hoose u dhigo qiimaha Tickidhada oo aad qaali u ahaa gaar ahaan duulimaadyada Yurub iyo Waqooyiga Ameerika oo ay deggen yihiin Soomaali aad u badan . 

Dib u howlgalinta dulimaadka shirkadda diyaaradaha Qatar Airways  ayaa wax weyn ka tari doonta isku socdka labada magaalo ee Muqdisho iyo Doha iyo sare u qaadista xiriirka ganacsi ee labada dhinac, iyadoo la og-yahay in dalka Qatar ay ku nool yihiin Jaaliyad ballaaran oo Soomaalyeed oo intooda badan halkaa u jooga howlo ganacsi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]