3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 16, 2018
Madax dhaqameed ka socda Qoomiyadda Oromadda oo Hargeysa yimid

 

Axad, December, 16, 2018 (HOL) – Wefti madax dhaqameedka ka socda dalka Itoobiya gaar ahaan qoomiyada Oromada ayaa shalay galab ka soo degay madaarka Cigaal ee magaaladda Hargeysa.

Madax dhaqameedkan Qoomiyada Oromada Itoobiya waxa madaarka ku soo dhoweeyey madax dhaqameed reer Somaliland iyo madaxda gobolka Maroodi jeex, waxaana la socday wakiilka Somaliland u fadhiya Addis ababa.

Weftigan waxa hogaaminayey Hogaanka dhaqanka ugu sareeya qawmiyadda Oromada Ethiopia ee loo yaqaan ABBAA GADHAA , oo magaciisa la yidhaahdo BAYYANA SANBATO, waxaana ku wehelinaya hogaan dhaqameed kale oo ay ka mid yihiin SHAAMIL AXMED, JAALI SOORI, TASHAMO iyo KHADIIR.

Madax dhaqameedka Oromada oo warbaahinta ka hadlay ujeedadda socdaalka ayaa sheegay inay doonayaan is dhexgalka labada bulsho ee Oromada iyo Somaliland, waxaanay xuseen in Somaliland tahay dhuunta ganacsigoodusoo maro.

“Dhaqaalaha ugu badan ee Itoobiya ka soo gala wadamada jaararka ah qaybta ugu badan ayaa somaliland ka timaada, 93% iyo in ka badan ayaa ka soo gasha, markaa Somaliland anaga xuduntii dhaqaalaha ayey noo tahay, ilmuhu marka uu uurka ku jiro xudunta ayuu quutaa mana noolaanayo hadaan ilaahay ka quudanayn, anagana qasabadii aanu ka noolaanaynay ayey noo tahay.”ayuu yidhi mid ka mid ah madax dhaqameedka Oromadda .

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi kahadlay madax dhaqameedka Somaliland, waxaanay tilmaameen inay waxyaalaha ay u baahan yihiin ay tahay dhinaca siyaasadda in laga taageero.

“Siyaasada ayaa nagu mudan maantana oromo ayaa gacanta ku haysa, arintaas ay oromadu gacanta ku hayso inay wax nagala qabato oo ay halkii ay ahayd nala dhigto ayaanu doonaynaa, arinkaasina ha ahaado mid ay xambaaraan qolada madax dhaqameedka ee noo timid oo ay gaadhsiiyaan raysal wasaaraha Abiy Ahmed, hawshaasina waa mid nagu culus oo ganacsiguna wuu ku xigi doonaa, wixii aad halkaas ka hagaajisaan ayuunbaa xaga dambana ka hagaagi doona.”ayuu yidhi madax dhaqameedka Somaliland u hadlay.

Sidoo kale,waxay ugu baaqeen in colaadaha ka jira Soomaalida iyo Itoobiya la joojiyo oo dadka la walaaleeyo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.













Click here
12/16/2018 11:22 AM EST
Axad, December, 16, 2018 (HOL)–Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Is afgarad laga gaaray kulan maanta magaalada Muqdisho ku dhaxmaray guddoonka sare ee Golaha Shacabka, gaar ahaan guddoomiyaha iyo labadiisa ku-xigeen.

12/16/2018 7:50 AM EST
Axad, December, 16, 2018 (HOL)-Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha baarlamaanka iyo labdiisa ku xigeen ayaa la ogaaday in ay ku kulan uu ku dhex maraayo hoteelka Paradise oo Muqdisho ku yaalla.

12/16/2018 7:39 AM EST
Axad, December, 16, 2018 (HOL)- Wasiirkii howlaha Guud,Dib u dhiska iyo Gureynta dowladda Soomaaliya Cabdifitaax Maxamed Ibraahi Geeseey ayaa goor dhaw sheegay in uu iska casilay xilkii uu ka hayay xukuumadda Soomaaliya.

12/16/2018 5:42 AM EST
Axad, December, 16, 2018 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in ay gabi ahaanba ay xirtay God Jilicoow oo muddo dheer ahaa xabsi lagu xiro dadka loo heysto danbiyada kala duwan oo ay ka mid ah Argagixisada.

12/16/2018 5:09 AM EST
Axad, December, 16, 2018 (HOL)-Tababarkan oo soconayay mudo sideed bilood ah ayaa maanta magaalada muqdisho ee caasimada dalka waxaa loogu sooxirey Sadax dhalinyaro soomali ah oo soobartay cilmiga Baabuurta.

12/16/2018 4:12 AM EST
Axad, December, 16, 2018 (HOL)-Cabdi Siciid Muuse Cali la taliyaha amniga ee Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Ciidamada u diiwaangeshay Dowladda Soomaaliya ay gaarayaan sagaal kun (9,000) oo Askari.

12/16/2018 2:29 AM EST
Axad, December, 16, 2018 (HOL)–Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa marti-galinaya duulimaadyo toos ah oo heer caalami ah tan iyo wixii ka danbeeyay bur-burkii dowladda dhexe Soomaaliya.

12/16/2018 1:27 AM EST
Axad, December, 16, 2018 (HOL)–Maamulka Koonfur Galbeed oo markii ugu horeysay war ka soo saaray xaigga Mukhtaar Rooboow ayaa iska fogeyn in ay wax lug ah ku lahaayeen dhinacooda.

12/16/2018 12:37 AM EST
Axad, December, 16, 2018 (HOL) – Iyadoo loo balansan yahay in 19ka bishan magaalada Baydhabo lagu qabto doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, ayaa waxaa isa soo taraya baaqyada loo jeedinayo guddigga doorashada oo laga dalbanayo in ay dib u dhigaan waqtiga doorashada in xaalka magaalada Baydhabo laga dajinayo.