4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 15, 2018
Faysal Cali Waraabe oo eeddo usoo jeediyey madaxweynaha Soomaaliya

 

Sabti, December, 15, 2018 (HOL) – Gudoomyaha xisbiga UCID Eng:Faysal Cali Waraabe ayaa cambaareeyey xadhiga siyaasiga Mukhtaar Roobow,isla markaana cambaareeyey hab dhaqanka madaxweyne Farmaajo iyo ciidanka AMISOM .

Sidoo kale, waxa uu Faysal tacsi u direy dadkii ku geeriyooday rabshadihii ka dhacay magaalada Baydhaba, waxaanu arrintaasi ku eedeeyey madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo oo uu sheegay inuu u xuubsiimanayo kalitalisnimo iyo inuu ciidanka Amisom u adeegsanayo dadka ay siyaasadda isku hayaan.

“Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku yimid niyad wanaag iyo soomaalinimo, balse imika dhaqanka uu la soo baxay soomaali oo dhan buu khatar ku yahay, wuxuu ku dhaqmayaa Digtaytarnimo aan la arag oo aanu u hubsamaysan.”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Faysal waxa uu tilmaamay qodobo uu ku talaabsaday madaxweyne Farmaajo, taas oo uu tilmaamay inay dastuurka ka soo horjeedo, waxaanu yidhi “ waa markii ugu horeysay ee Muqdisho inuu nin xildhibaan ah gurigiisa ku weeraro oo uu dad ku laayo, waxa kale oo uu sameeyey dastuur jabin iyo heshiishyo qarsoodi ah oo Jabuuti iyo inagaba lidi ah, wuxuu wadda inuu dalbado ciidamo shisheeye ah oo Itoobiya iyo Eritrea uu yidhaahdo kaalaya xukunka ila xejiya.”.

Mar uu ka hadlayey Ciidamda AMISOM waxa uu sheegay inay farogalinayaan arrimaha siyaasadda ee wadanka Soomaaliya, waxaanu yidhi “waxaan cambaaraynaya ciidanka AMISOM oo wixii dalka loo keenay ka tagtay oo farogalisay siyaasadii wadankaasi gudihiisa oo dadka siyaasada isku haya u kala eexatay oo soo qabatay sheekh Mukhtaar Roobow, waxaan leeyahay ciidamda shisheeye meesha ha laga saaro .”.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.