4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 15, 2018
Guddoomiye Mursal : Waa in deg deg loo sii daayaa Mukhtaar Rooboow loona ogolaadaa in doorashada uu ka qeybgalo

 

Sabti, December, 15, 2018 (HOL)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo shir jaraa'id ku qabtay hotelka uu ka deggan yahay magaalada Muqdisho ayaa ka hadllay  xarigga Mukhtaar Rooboow iyo mooshinka madaxweynaha.

Guddoomiye Mursal ayaa ka tacsiyeeyay geerida ka dhalatay rabashadihii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Baydhabo isaga oo ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalada Baydbabo in ay is dajiyaan dib-na loo soo celiyo xasiloonidii iyo kala danbeyntii deegaannada Koonfur Galbeed.

Wuxuu sheegay in dastuurka uu qaba in muwaadin  kasta xaq u leeyahay in uu wax dooran karo, lana dooran karo, muwaadinka  Mukhtaar Roobow-na uu buuxiyey shuruudaha looga baahan yahay  murashaxnimadiisa sida ay cadeeyeen guddiga oo guddoonsiiyey shahaado cadeyneysa inuu u tartami karo doorashada Koonfur Galbeed, isla  dastuurka waxaa uu sheegay in aan qof la xiri karin xarig aan sharciga  waafaqsaneen, awoodda dowladana aan marna loo isticmaali karin meel ka  dhac dhan ka ah karaamada iyo Xuquuqda Aadanaha, isaga oo nasiib darro  ku tilmaamay in dhimasho, dhaawac iyo burbur hanti uu dhasho qabashadii  Mukhtaar Roobow, oo sida uu sheegay loo soo xiray si baal-marsan  sharciga, maadaama aan amar maxkamadeed lagu soo qaban.

''Dowladda waa in ay deg deg xoryadiisa ugu soo celisaa Mukhtaar Rooboow loona ogolaadaa in uu ka qeybgalo doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed'' ayuu yiri guddoomiye Mursal oo dhinaca kale ku baaqay in dib loo dhigo doorashada ilaa laga helayo jawi xasiloon oo lagu qaban karo doorasho.

Dhinaca kale guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ugu baaqay xukuumadda Soomaaliya in ay sharciga u hoggaansanto, waxaana uu wax laga xumaado ku tilmaamay in xildhibaannada Golaha Shacabka loo diiday  xoriyadooda iyo ay u soo gudbaan sida uu hadalka u dhigay hoygga uu ka degan yahay magaalada.

''Waa wax laga xumaado in xildhibaannada laga hor istaago in ay u soo gudbaan hoyga aan degannahay, sababta aan markii horeba uga soo guuray xarunta madaxtooyada waxey aheyd in xildhibaannada loo diiday in ay ii soo gudbaan,  xildhibaannadu waa ay ka madax-bannaan yihiin golaha fulinta ayuu yiri'' guddoomiye Mursal.

Mar uu soo hadal qaaday arinta mooshinka ayuu sheegay in xildhibaannada Golaha Shacabka xaq u leeyihiin in ay soo gudbiyaan mooshin, isaga oo sheegay in 92 xildhibaan u soo gudbiyeen mooshin ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya lana waafajin doono dastuurka iyo xeer hoosaadka Baarlamaanka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inuu dib ugu laaban doono  xarunta Villa Hargeysa oo ku taal xeyndaabka Madaxtooyada, oo ah ah  xarunta Guddoonka Baarlamaanka, halkaasna ay ku shaqeyn doonaan.

Ugu danbeyntii guddoomiyaha ayaa ku baaqay :

  • In shacabka reer Koonfur Galbeed ay is dejiyaan, nabadda adkeeyaan, sharcigana dhowraan.
  • In Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed ay dib u dhigaan doorashada Madaxweynaha inta lagahelayo jawi xasiloon oo ku haboon qabashada doorasho xor iyo xalaal ah.
  • In ku simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu ka shaqeeyo dejinta iyo qancinta shacabka iyo dib u soo celinta kala danbeyntii.
  • In odayaasha dhaqanka ay muujiyaan kaalinta dhaqan ee ay ku leeyihiin nabbada iyo wadajirka guud ahaan ummada Soomaaliyeed gaar ahaana Shacabka Koonfur Galbeed.
  • In musharaxa xiran xorayadiisa dib loogu soo celiyo sida ugu dhakhsaha badan loona ogolaado in uu degaankiisii ugu laabto si nabad ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]