4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 15, 2018
Maxaa ka jira in hub ka dhigis lagu sameeyay la-taliyaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka?.

 

Sabti, December, 15, 2018 (HOL)-Warar hoose oo soo baxay ayaa sheegaya in hubkii laga dhigay ay wateen iyo gaadiid dagaal illaada C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac oo hadda ah la taliyaha Gudoomiyaha Golaha Ssacabka Somaliya horeyna u soo noqday Taliye ku xigeenka Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.

Ciidanka Jaamac ayaa dhamaadka isbuucii ina dhaafay la sheegay in looga yeeray Xarunta Xisbiga oo Talis ciidan u ah qeyb ka mid ah Ciidamada Dowladda, iyagoo loo shegay in lau siin doono Mushaarkooda,

Balse xaalka ayaa tilmaamayaa in uu isbadalay markii halkaasi ay tageen iyadoo lagu wargeliyay inay hubka dhigaan gaadiidkana ay wataanna taliska ay uga tagaan.

Sababta hub ka dhigista loogu sameyay ilaalada la taliyaha Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa lala xiriirnayaa in ay tahay Mooshinka laga keenaya Madaxweyne Farmaajo oo uu gacanta ku hayo gudoomiye Mursal.

Waxaase xusid mudan in laamaha ammaanka Dowladda, Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Jaamac midkoodna aanu wali ka hadlin xaqiiqada ka dambeysa hub ka dhigista.

Waloow jiraanka warkaan ay noo xaqiijiyeen xubno ku dhaw xafiisyada sar sare ee madaxda dalka.

Nurre Mohamed Ali ,Hiiraan Online
[email protected]