4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 15, 2018
Beesha caalamka oo ka hadashay xaalada ka soo kordhay magaalada Baydhabo

 

Sabti, December, 15, 2018 (HOL)-War saxaafadeed ay wada jir u soo saaraan Beesha Caalamka ayaa looga hadlay xaalada ka soo kordhay magaalada Baydhabo, iyagoo sheegay inay ka walaacsan yihiin dhacdooyinka u dambeeyay ee ka dhacay Koofur Galbeed, gaar ahaan rabshadaha magaalada Baydhabo.

Warka ayaa lagu sheegay in ay ka soo horjeedaan  qalalaasaha iyo gacan ka hadal kasta oo xaalada sii xumeyn kara, gaar  ahaan mida bani’aadanimo.

Beesha Caalamka ayaa ka tacsiyadeeyay Xildhibaankii ku geeriyooday magaalada Baydhabo iyo dadkii kale ee qalalaasaha ku dhintay

Sidoo kale waxaa ay hoosta ka xariiqeen in loo baahan yahay in wadajir loo taageero habka lagu heshiiyay ee guddiga doorashada, sidoo kale ay xusheeyaam dhinacyada kala duwan daacadnimada iyo dadaalka howlaha doorashada.

Beesha Caalamka ayaa ku baaqay in wada hadal lagu dhameeyo kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed iyo caqabadaha kale, si horumar looga sameeyo siyaasadda iyo dhaqaalaha Soomaaliya.

War saxaafadeedka wadajirka ah ayaa waxaa soo saaray dalalka Denmark, European Union, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Kenya, the Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland, Turkey, Uganda, United Kingdom, United States, AMISOM iyo the United Nations.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]