4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 15, 2018
Nigeria: UNICEF oo Xayiraadda Laga Qaaday

 

Sabti, December, 15, 2018 (HOL) – Militariga dalka Nigeria ayaa xayiraaddii ka qaaday dhaq dhaqaaqyada hay’adda UNICEF ee woqooyigga bari ee dalkaasi saacado ka dib markii ay hakisay howlaha hay’adda oo ay ku eedeeyeen inay u basaaseyso falaalada islaamiyiinta ah ee ku sugan gobolka aan dagganayn.

Goor hore oo Jimcihii ahayd, ayuu militariga Nigeria ayssegay in ay hayaan “xog xaqiiqo ah’ oo ku saabsan in qaar ka tirsan wakiilada hay’adda Qaramada Midoobay ee carruurta ay tababarayaan oo ay shaqaaleynaynayaan basaasiin kuwaasoo taageera falaagada Boko Haram iyo teegeerayaashooda. Waxa ay sheegtay in ay joojinayaan howlaha UNICEF muddo saddex bilood ah

Xilli dambe oo Jimichii ahayd ayay saraakiil ka tirsan militariga la kulmeen wakiilo ka socda hay’adda muddo yar ka dibna waxa ay ku dhawaaqeen in xayiraaddii laga qaaday. Afhayeen u hadlay militariga ayaa sheegay in saraakiisha militriga ay u sheegeen UNICEF in ay joojiso dhaq dhaqaaqyada wax u dhimaya “aminga qaranka” ee wiiqaya dagaalka lagaga soo horjeedo argagixisonimada.

Milatariga ayaa sheegay in ay ku boorriyeen "wakiilada UNICEF in ay hubiyaan in ay macluumaadka la wadaagaan hay'adaha ku habboon mar kasta oo wax qabad ama tababbarro shaqaale cusub la fulinayo."

Woqooyiga bari ee dalka Nigeria ayaa ahayd xarunta falaagada islaamiyiinta ah ee Boko Haram, halkaas oo ay ku dhinteen qiyaastii dad gaaraya 30,000 qof, halka tobanaan kun oo kalena lagu khasbay inay guryahooda ka cararaan.

VOA