Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Ereteriya oo soo gaba gabeeyey wada hadalladii uga socday Villa Soomaaliya
Jimco, December, 14, 2018 (HOL)- Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo
dhiggiisa dalka Ereteriya Isaias Afwerki oo kulamo wadatashi ah ku
yeeshay Villa Soomaaliya ayaa ku heshiiyey in la xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya
labada dal.
Labada Madaxweyne ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay
leedahay in la ballaariyo iskaashiga ku aaddan arrimaha ganacsiga, maalgashiga
iyo xiriirka tooska ah ee labada shacab ee Soomaaliya iyo Ereteriya.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga
mahadceliyey dhiggiisa dalka Ereteriya Isaias Afwerki booqashadan taariikhiga
ah ee uu ku yimid Soomaaliya iyo sida wanaagsan ee uu u ajiibay martiqaadkii
rasmiga ahaa ee uu u fidiyey.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in booqashadan
ay ka tarjumayso dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan
xaqiijinta iskaashi heer gobol ah oo lagaga gudbayo dhibaatooyinka nabad
la’aanta, argagixisada, saboolnimada iyo xaalufka deegaanka ee uu wajahayo
Gobolka Geeska Afrika.
Dhankiisa, Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa uga
mahadceliyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran ee ay u
fidiyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna adkeeyey muhiimadda uu leeyahay
xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada shacab ee walaalaha ah.
Madaxweyne Isaias ayaa bogaadiyey, soona dhaweyey
dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu dhisayo, laguna tayeynayo
hay’ado amni oo ay Soomaalidu leedahay, kuwaas oo awood u leh in ay dammaanad
qaadaan nabadda iyo amniga ay dadka Soomaaliyeed istaahilaan.
Labada Madaxweyne ayaa ku heshiiyey in ay sii wadaan
abuuridda iskaashi xooggan oo dan u ah labada waddan iyo guud ahaan gobolka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]