Ku-simaha madaxweynaha Koonfur Galbeed ‘’ Waa nasiib darro dibadbaxyada ka socda Baydhabo
Jimco, December, 14, 2018 (HOL)- Ku-simaha
madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ahna guddoomiyaha Baarlamaanka Cabduqadir
Shariif Sheekhu-na Maye ayaa ku baaqay in la joojiyo dibadbaxyada ka socda
magaalada Baydhabo.
Waxaa uu nasiib darro ku
tilmaamay in dad yar sida uu hadalka u dhigay magaalada ka sameeyaan amaan darro
kuwaa oo aan marnaba raali ka aheyn ayuu yiri hormarka socda,waxaana uu dhinaca
kale baaq u diray ciidamada nabad-galyada.
‘’Ciidamada nabad-galyada waxaa
leeyahay waa in aad shacabka u turtaan u dhawaataan isfaham abuurtaan ayaan
leeyahay’’ ayuu yiri ku-simaha madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.
Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in la ilaaliyo
Ammaanka Magaalada Baydhabo, islamarkaana la joojiyo dibadbaxyada ka socda
Magaalada Baydhabo oo uu sheegay in ay waddaan kuwo kasoo horjeedda Ammaanka.
Ku dhowaad 10 ruux oo isugu jira askar iyo shacab ayaa ku
dhintay dibedbaxyada shalay iyo maanta ka socda Baydhabo oo dariiqyada magaaladaas
u bedelay goob dagaal, waxaana saakay magaalada lagu dilay xildhibaan ka
tirsanaa maamulka Koonfur Galbeed oo sida la sheegay ay toogteen ciidamada
nabad-galyada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]