4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 14, 2018
Wararkii ugu danbeeyay ee xaalada magaalada Baydhabo

 

Jimco, December, 14, 2018 (HOL)-Wali xiisad ayaa ka taagan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay dagaal culus oo maalintii shalay ka dhacay bartamaha magaalada kaa oo ka dhashay xarigga Mukhtaar Rooboow Abuu-Mansuur.

Magaalada ayaa wali kala xiran ma jiro wax isku socod gaadiid ah ah meelaha qaarna waxaa laga maqlayaa wali rasaas goosgoosa ah sida uu warbaahinta gudaha u sheegay wariye ku sugan Baydhabo oo lagu magacaabo Sayid Cali.

Magaalada ayuu sheegay in ay wali labo dhinac u kala xiran tahay oo ay ku kala sugan yihiin ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa dowladda Soomaaliya iyo taageerayaasha Mukhtaar Rooboow oo hadda ku jira gacanta dowladda Soomaaliya.

Dadka qaar ayaa gur-yahooda Banaanka uga soo bixin cabsidda ka taagan magaalada, xilli magaalada ay isku diyaariyaan in ay howlgal ka fuliyaan ciidamada Booliska ee halkaasi ka howlgalla.

Wariyaha ayaa intaa ku daray in ay jiraan warar ku saabsan in magaalada ay soo galayaan ciidamo cusub oo ka imanaya deegaannada kale ee gobolka Bay kuwaa oo taageersan Waddaadka Mukhtaar Rooboow.

Inkastoo xiisadaasi ay ka jirto Baydhabo haddana dhinaca kale waxaa ay guddiga doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed sheegeen in wali jadwalkii doorashada ee 19ka bishan waxba iska badali lana qaban doono, laakiin dad badan ayaa arintaa shaki galinaya iyo doorashadu dhici karto madaama Mukhtaar Rooboow uu ka mid ahaa musharixiinta xilkan u tartamaya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]