3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 13, 2018
Asad Cismaan: Waxaan Koonfurta Gaalkacyo u nimid ka qaybgalka nabadda Gaalkacayo iyo Midaynta Soomaaliweyne

Khamiis, December, 13, 2018 (HOL)- Musharrax xilka madaxweynaha Puntland ee doorashada 2019ka,Asad Cismaan Cabdullaahi oo socdaal ku maraya gobolka Mudug ayaa maanta booqday koonfurta magaaladda Galkacayo ee maamulka Galmudug, halkaasi oo si ballaaran loogu soo dhaweeyay.

Musharraxa iyo waftigiisa waxaa soo dhaweeyey  Gudoomiye ku- xigeenka degmada Galkacayo qaybta  Galmudug Cabdiraxmaan Maxamed Axmed, Suldaan Cabdinaasir Jaamac Seed, iyo mas’uuliin kale oo ay kamid ahaayeen nabadoonno, culuma’udiin Ganacsatada, aqoon-yahan, dhallinyaro iyo haweenka Galkacayo qaybta Galmudug.

Guddoomiye ku-xigeenka degmada Galkacayo oo ugu horrayn ka hadlay munaasabada wuxuu sheegay in Asad Cismaan inuu yahay murashixii u horreeyay ee puntland ah oo soo booqda Galmudug, waxana uu sheegay inuu ku faraxsanyahay musharaxnimadiisa .

Waxaa kaloo hadalo kala duwan ka soo jeediyay munaasabada waxgarad labada dhinac ee Gaalkacayo  ka kala socday, Waxayna isla garteen ahmiyadda ay leedahay ka shaqaynta sugidda amniga iyo nabad ku-wada-noolaansho labada shacab ee walalaha ah ee kukala nool waqooyiga iyo koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Gabagabadii xafladda waxaa ka hadlay murrashax madaxweyne Gen Asad Cismaan, waxaa uu uga mahad celiyay mas’uuliintii iyo shacabka Galmudug ee soo dhaweeyay isaga iyo wafdigiisii, wuxuu carabka ku adkeeyay ahmiyadda iyo qiimaha ay leedahay amniga iyo nabad kuwada noolaansha laba shacab ee walaalaha , wuxuu ballan qaaday inuu nabadgelyada labada deegaan ka shaqayn doono hadduu xilka ku guulaysto iyo haddii kalaba.

"Walaalayaal anniga iyo waftiga ila socda waxaan idiinku nimid ka qaybgalka nabadda Galkacayo iyo Midaynta Soomaaliweyne, annagu dad Soomaaliyeed baanu nahay  dad walaalo ah baanu nahay, dad isku mid ah, is dhalay, iska guursada, qaraabo iyo xigta ah, markaa waxaan idiinku nimid haddaanu ku guulaysano xilka iyo haddii kaleba inaanu mar walba ka shaqayno nabadda". ayuu yiri musharrax Asad.

Musharax Asad Cismaan Cabdullaah oo u tartamaya xilka madaxweynaha Puntland Jannaayo 2019ka  ayaa shalay soo gaaray magaalada Galkacayo,isagoo si ballaaran oo aan loo kala harin loo soo dhaweeyay.

Iman Mohamed Jama
[email protected]











Click here
12/13/2018 1:15 PM EST
Khamiis, December, 13, 2018 (HOL)- Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa magaalada Dooxa ku kala saxiixday shan heshiis iyo saddex is-afgarad oo khuseeya arrimha maalgashiga, ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha.

12/13/2018 1:12 PM EST
Khamiis, December, 13, 2018 (HOL)- Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar ayaa magaalada Dooxa kula kulmay dhiggiisa dalkaas, Sheikh Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani.

12/13/2018 1:05 PM EST
Khamiis, December, 13, 2018 (HOL)- Golaha wasiirrada Puntland oo maanta ku shiray magaalada Garoowe ayaa sheegay si dhow inay ula socdaan xaaladda amni ee magaalada ganacsiga ah ee Boosaaso, halka oo dilal iyo weerarro ay ka dhaceen.

12/13/2018 12:20 PM EST
Khamiis, December, 13, 2018 (HOL)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo aan codkiisa la maqal tan iyo intii ay soo ifbaxday xiisada siyaasadeed ka dhalatay mooshinka ayaa ku baaqay in la dajiyo xaalada magaalada Baydhabo.

12/13/2018 7:59 AM EST
Khamiis, December, 13, 2018 (HOL)-War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaarrada Amniga gudaha xukumadda Soomaaliya ayaa looga hadlay xarigga Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur oo goor dhaw laga soo dajiyay magaalada Muqdisho

12/13/2018 7:19 AM EST
Khamiis, December, 13, 2018 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegaya in goor dhaw halkaa laga soo dajiyay Sheekh Mukhtaar Rooboow

12/13/2018 6:57 AM EST
Khamiis, December, 13, 2018 (HOL)- Ra'iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda Soomaaliya ahna ku-simaha ra'iisul wasaaraha ,Mahadi Maxamed Guuleed ayaa maanta kormeeray shaqooyinka ka socda garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan ee magaalada Muqdisho.

12/13/2018 6:49 AM EST
Khamiis, December, 13, 2018 (HOL)- Magaalada Baydhabo ayaa gashay jahwareer amni iyo mid siyaasadeed kaddib markii la xiray Mukhtaar Robow, oo goobjoogayal ay sheegeen in ciidammo Itoobiyaan ah ay kaxeysten.

12/13/2018 6:45 AM EST
Khamiis, December, 13, 2018 (HOL)- Wasiirka arrimaha Dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo howllo shaqo u jooga dalka Sacuudi Carabiya ayaa magaalada Riyaad ee caasiamadda dalkaasi kulan kula qaatay, dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

12/13/2018 6:24 AM EST
Khamiis, December, 13, 2018 (HOL)- Isku soo bax ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa lagu taageerray musharraxa xilka madaxweynaha sannadka 2019ka,Cabdi Faarax Saciid Juxa.

12/13/2018 5:42 AM EST
Khamiis, December, 13, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Soomaaliya ,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta soo gaaray dalka.

12/13/2018 5:13 AM EST
Khamiis, December, 13, 2018 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydbabo ayaa sheegaya in waqtiga laga maqlayo meelaha qaar rasaas culus, kaddib markii ciidamada Itoobiya ay xabsiga dhiggeen Mukhtaar Rooboow Abuu-Mansuur.

12/13/2018 4:08 AM EST
Khamiis, December, 13, 2018 (HOL)-Warar xiligan naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya xireen kaddib markii ay kaxeysteen meel aan ka fogeyn xarunta madaxtooyada Baydhabo.

12/13/2018 2:54 AM EST
Khamiis, December, 13, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Eritrea iyo wafdi ballaaran oo uu horkacayo ayaa goor dhaw lagu soo gaaray magaalada Muqdishio.

12/13/2018 1:23 AM EST
Khamiis, December, 13, 2018 (HOL)- Kooxda xiddigaha qaranka ee 20 jirada Soomaaliya ayaa bandhig caalami ah ku soo bandhigay dalka Jabuuti, kaddib labo guul oo xiriir ah oo ay gareen.

12/13/2018 12:17 AM EST
Khamiis, December, 13, 2018 (HOL)- Xukuumadda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay mooshinka xil ka qaadista oo madaxweynaha Soomaaliya ay ka gudbiyeen xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka.

12/13/2018 12:06 AM EST
Khamiis, December, 13, 2018 (HOL)-Saacaadaha soo socda ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu soo gaaro wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo wafdi ballaaran uu hoggaaminayo.