Khamiis, December, 13, 2018 (HOL)- Guddoomiyaha Golaha Shacabka
Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo aan codkiisa la maqal tan iyo intii ay
soo ifbaxday xiisada siyaasadeed ka dhalatay mooshinka ayaa ku baaqay in la
dajiyo xaalada magaalada Baydhabo.
Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay
waxgaradka iyo odayaasha magaalada Baydhabo in ay ka fogaadaan wax kasta oo
colaad horseedi kara, isaga oo ka digayy dagaal kale oo ka dhaca magaalada,
leys kuna dayo in wax walba loo maro hab nabadeed iyo wada hadal.
‘’Waxaa ugu baaqayaa odayaasha
iyo waxgaradka magaalada Baydhabo in ay xaalada dajiyaan, laga fogaado dagaal
dhaca iyo dhiig danbe oo daadda, wixii maanta ka dhacay magaalada iyo qabashada
Mukhtaar Rooboow waxaa lagala xisaabtamayaa ciddii arintaa ka danbeysay’’ ayuu
yiri guddoomiye Mursal.
Dhinaca mar uu soo hadal qaaday
arinta mooshinka laga keenay madaxweynaha Soomaaliy Maxamed Cabdullaahi
Farmaajo iyo kala qeybsanaanta Baarlamaanka ayuu sheegay in wax walba lagu
xalin doono Golaha dhaxdiisa.
‘’Xildhibaannada Golaha Shacabka
waxaan is leeyhay waa dad doonaya in ay dhamaantood wax hagaajiyaan, ee ma’aha
dad doonaya in ay wax qasaan, sidaa daraadeed wixii xal u baahan oo la xalin
karo guud ahaan wey ka siman yihiin, marnaba uma arkayo in arin shaqo ku
saabsan la siyaasadeeyo, waxaan leeyahay wax aan la xalin karin ma’aha’’ ayuu
yiri guddoomiye Mursal.
Mar la weydiiyay in uu ka soo
guuray xaruntii madaxtooyada oo uu deganaa iyo waxa ka jira in halkaa lagu go’doomiyay
ayuu ku gaabsaday ‘’ Arrimahaasi waqtiggooda waa la soo dhaafay.. wax dhib ah
oo hadda I hayaa ma jiro’’
Wuxuu meesha ka saaray in marnaba
madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha ka wada hadleen xiisada siyaasadeed ee
taagan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]