4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 13, 2018
Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay xarigga Mukhtaar Rooboow


Khamiis, December, 13, 2018 (HOL)-War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaarrada Amniga gudaha xukumadda Soomaaliya ayaa looga hadlay xarigga Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur oo goor dhaw laga soo dajiyay magaalada Muqdisho.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Mukhtaar Rooboow uu dhagaha ka fureystay digniin is daba joog ah oo uga imanayay dowladda federaalka Soomaaliya oo dhowr jeer oo hore uga digtay in uu isku soo taago xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, dhinaca kalana bilaabay sida ku cad qoraalka Wasaarradda falal ka dhan ah Amniga iyo qalqal-galinta shacabka ku dhaqan magaalada Baydhabo.

Wasaarradda waxaa ay sheegtay in Mukhtaar Rooboow bilaabay in uu magaalada Baydhabo soo galiyo hub iyo dagaalyahanno isaga taabcsan taasoo muujineysa ayaa lagu yiri qaraalka in wali uu ku taagan yahay fikirkiisii hore ee Xagjirnimo ugu danbeyntiina dowladda federaalku go'aansatay in ay maanta oo ay taariikhdu tahay 13 Dec soo xirto.

Qoraalka Wasaarradda Amniga :

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]