4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 13, 2018
Bannaanbax lagu taageerray musharrax Cabdi Faarax Saciid Juxa oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo

Khamiis, December, 13, 2018 (HOL)- Isku soo bax ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa lagu taageerray musharraxa xilka madaxweynaha sannadka 2019ka,Cabdi Faarax Saciid Juxa.

Bannaanbaxa oo ay ka qaybgaleen dhallinyaro iyo haween aqoonyahan ah iyo ardaydayda wax ka barata iskuullada magaalada Gaalkacyo ayaa socod ku maray qaybo ka mid ah magaalada Gaalkacyo.

"Ujeedka aan isugu soo baxnay ayaa ah inan codkeenna ku taageerno musharrax Juxa oo aan u aragno qof horrey loo soo tijaabiyay dalkaan waxban ka soo qabtay". ayuu yiri mid ka mid ah xubnihii soo qaban qaabiyay bannaanbaxa.

Dibadbaxayaasha ayaa sidoo kale ku qoylinayay erayo ay ka mid ahaayeen "JUXA KABO-QAAD SHISHEEYE MA AHAN. SIYAASADDANA LACAG KAMA SAMEEYO".. "JUXA WUXUU U TAAGAN YAHAY QADIYAD IYO QIYAM BULSHO, RUN IYO RAAD LA SO TIJAABIYAY".. "XILDHIBAANE AMMA JUXA AMMA JEEBKAAGA, MAANTA WAA MAALINTII SHACABKA".

Musharrax Cabdi Faarax Saciid Juxa ,  oo horay usoo noqday wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo wasiirka waxbarashada Puntland ayaa ka mid ah tiro musharrixiin ah oo sannadkan u tartamaya xilka madaxweynaha Puntland, waxaana lagu wadaa inuu musharrax Juxa billowga toddobaadka dambe soo gaaro magaalada Garoowe.

Doorashada Puntland ayaa lagu wadaa siddeeda bisha Jannaayo inay ka dhacdo magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]