4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 13, 2018
Madaxweynaha Eritrea oo goor dhaw lagu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho

 


Khamiis, December, 13, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Eritrea iyo wafdi ballaaran oo uu horkacayo ayaa goor dhaw lagu soo gaaray magaalada Muqdishio.

Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee dowladda.

Wafdiga madaxweynaha Eritrea iyo madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa xiligan ku sugan qeybta nasashada garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda loo gudbiyo xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waa idin soo gudbin doonnaa...  

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]