4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 13, 2018
Madaxweynaha Eritrea oo maanta ku soo fool leh magaalada Muqdisho

 

Khamiis, December, 13, 2018 (HOL)- Saacaadaha soo socda ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu soo gaaro wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo wafdi ballaaran uu hoggaaminayo.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa siweyn loo adkeeyay waxaa la xiray inta badan isgoysyada iyo jidadka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho oo lagu arkayo ciidamo aad u hubeysan oo suganaya nabad-galyada magaalada.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in uu ku soo dhaweeyo wafdiga madaxweynaha Eritrea garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Booqashada wafdiga ayaa la filayaa in ay qaadato muddo labo cisho waana booqasho taariikhi ah oo markii ugu horeysay madaxweynaha dalka Eritrea uu ku soo gaaro magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa Eritrea ayaa ka wada hadli doona xoojinta xiriirka labada dal oo dhowaan dib u bilowday.

Booqashadan ayaa imaaneysa xili xiisad siyaasadeed uu galay dalka, kaddib mooshin xil ka qaadis oo laga keenay Madaxweyne Farmaajo oo dhowaan ay gudbiyeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa…

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]