4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 12, 2018
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka oo heshiis lagu horumarinayo Beeraha Soomaaliya la saxiixatay Dawladda Talyaaniga iyo Hay’adda FAO

Arbaco, December, 12, 2018 (HOL)-  Heshiis lagu horumarinayo beeraha iyo waraabka ayaa waxaa maanta ku wada saxiixday   magaalada Muqdisho Wasiirka Beeraha & Waraabka XFS Mudane Saciid Xuseen Ciid, Safiirka Dowlada Talyaaniga Danjire Carlo Campanile, Wakiilka Soomaaliya ee Hay’adda Horumarinta talyaaniga Guglielmo Giordano (Italian Agency for Development Cooperation) iyo Hay’adda Qaramada Midoobay ee Beeraha iyo Cuntada oo u saxiixay wakiilkeeda Soomaaliya Serge Tissot .

Heshiiska ayaa waxaa qeyb ka ah dib-u dayactirka xaruntii dhexe ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Muqdisho,hirgelinta mashaariic beeralayda ka caawinaysa qaababka casriga ah ee Waraabka(Meodern Irrigation Technology) ,Kaabayaasha Waraabka iyo saadaasha dhinaca waraabka iyo beeraha.

Dawladda Talyaaniga ayaa waxay ka mid tahay waddamada taageera dawladda Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca dib u dhiska Kaabayaasha dhaqaalaha iyo tababarada, waxay sidoo kale door weyn ku lahayd casriyeynta beeraha Soomaaliyeed, iyaddoo si weyn loogu xusuusto kaalinteedii beerida iyo suuq-geynta mooska Soomaaliyeed.

Heshiiskaan ayaa waxaa farsamo ahaan hirgalin doona Hay’adda  FAO ee Qaramada Midoobey iyo Wasaaradda Beeraha.

Munaasabadda heshiiska lagu saxiixay, waxaa goobjoog u ahaa Wasiiru dawlaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Xaamud, Wasiir ku-xiggeenka Beeraha Mudane Xaamul Cali Xasan iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha Mudane Maxamuud Maxamed.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]