4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 12, 2018
Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo u ambabaxay dalka Qatar

Arbaco, December, 12, 2018 (HOL)- Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah maanta ugu ambabaxay dalka Qatar.

Ra’iisul Wasaaraha oo casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Qatar ayaa la filayaa marka uu gaaro Dooxa in uu madaxda dalkaas la yeesho kulamo ay uga wada hadlayaan xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo dhinacyada iskaashiga laba geesoodka ah.

Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale ka qeyb galaya shirka sannadlaha ah ee Madasha Dooxa oo sanadkii hore ee 2017 uu sidaan oo kale uu uga qayb galay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]