3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 12, 2018
Asad Cismaan: Gaalkacyo ma ku sii jiri doonto cabsi

Arbaco, December, 12, 2018 (HOL)- Asad Cismaan Cabdullaahi , oo ka mid ah tobonnaan musharrax oo u tartamaya xilka madaxweynaha Puntland ayaa maanta soo gaaray magaalada Gaalkacyo , wuxuu ballanqaadyo waa weyn u sameeyay kumannaan ruux oo shacab ah oo ku soo dhaweeyay xarunta gobolka Mudug.

Musharrax Asad Cismaan, oo ololihiisa soo gaarsiiyay gobolka  ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono nabadgalyadda iyo horumarka magaalada Gaalkacyo ee ku taalla bartamaha Soomaaliya, wuxuu ku dheeraday amniga  isagoo sheegay qorshayaashiisa kow iyo laba inay ugu jirto amniga iyo xasillinta magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug.

" Aniga horay ayaan uga shaqeyn jiray amniga magaalada Gaalkacyo, labada maamulba, hadda oo aan doonayo inan qabto xilka madaxweynaha , waxaan bulshada Gaalkacyo u ballanqaadaya inan cabsi lagu sii jiri doonin". ayuu yiri Asad oo inta raaciyay " Waxaan la dagaallameyna si cad oo aan gabasho lahayn al-Shabaab, Daaciish iyo cid walba oo doonaysa inay wax u dhinto amniga gobolka iyo guud ahaan Puntland".

"Waxaan ballanqaadaya haddii aan xilka ku guuleysto, Gaalkacyo dambe inan laga qaxin oo arday dambe iyagoo Iskuulkooda dhigannaya ama ganacsato dukaamadooda u furantahay mar dambe magaalada inaysan ka qaxin oo nabad ku noolaadan." ayuu yiri musharrax xafiiska madaxweynaha Puntland,Asad Cismaan oo dadweynaha kula hadlay barxadda bartamaha ee magaalada Gaalkacyo.

Wuxuu ku dheeraday muhiimadda iyo taariikhda uu gobolka u leeyahay bulshada Soomaaliyeed, isagoo doonaya bulshada kumannaanka ruux ee isugu soo baxay soo dhaweyntiisa inuu u xaqiijiyay inuu yahay qof ka soo jeedda Gaalkacyo, wuxuu yiri "Gaalkacyo waa hoygii suugaanta Soomaaliyeed,waa hoygii afka Soomaaliyeed , Gaalkacyo waa bartamihii Soomaaliya, waa meesha asalka u ah Soomaalida waxtarka leh, waad ogtihiin inta qof oo Gaalkacyo ka soo baxday oo Soomaaliya iyo adduunka wax ka noqday..Anigana kuwaas ayaan ku jira".

Asad Cismaan, waxaa kalo u sheegay bulshada Gaalkacyo inuu u wado dowladnimo dhab ah, kana shaqeysa sidii ay bulshada u heli lahaayeen adeeg bulsho oo waxbarashada, caafimaadka, korantada iyo biyuhu ka mid yihiin,isagoo marka ka dalbaday inay taageerraan ololihiisa uu ugu magacdarray 'Difaac iyo dowladnimo".

Dhallinyarada ,haweenka iyo ciidammada ayuu ballanqaadyo gaar ah u sameeyay,wuxuuna xaqiijiyay in qorshayaashiisa ugu horreeya ay ku jiraan sidii qaybaha loo horumarin lahaa.

Odayaal dhaqameed oo nabadoonnada gobolka iyo waxgarad kale ay ka mid ahaayeen  ayaa dhankooda ka sheegay soo dhaweynta musharraxa inay ku taageerri doonan Asad Cismaan, xilka uu doonayo, si la mid ah haween iyo xubno ka mid ah qaybaha bulshada oo dhallinyarada iyo ardayda iskuullada ay ka midyihiin ayaa taageerray musharraxa.

Ololaha doorashada Puntland ayaa galay waqtigii dhexe,iyadoo doorashada loo ballamay siddeeda bisha Jannaayo ee sannadka 2019ka inay ka dhacdo magaalada xarunta ah ee Garoowe.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]


















Click here
12/12/2018 1:32 PM EST
Arbaco, December, 12, 2018 (HOL)-Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya diyaar-garoow ballaaran oo loogu jiro soo dhaweynta madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki iyo wafdi uu horkacayo.

12/12/2018 9:01 AM EST
Arbaco, December, 12, 2018 (HOL)- Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawed, ayaa maanta oo Arbaca ah kulan kula qaatay Caasimadda Sacuudiga ee Riyaadh, Boqorka Dalka Sacuudi Carabiya, Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis Al-Sacuud.

12/12/2018 8:58 AM EST
Arbaco, December, 12, 2018 (HOL)- Heshiis lagu horumarinayo beeraha iyo waraabka ayaa waxaa maanta ku wada saxiixday magaalada Muqdisho Wasiirka Beeraha & Waraabka XFS Mudane Saciid Xuseen Ciid, Safiirka Dowlada Talyaaniga Danjire Carlo Campanile, Wakiilka Soomaaliya ee Hay’adda Horumarinta talyaaniga Guglielmo Giordano (Italian Agency for Development Cooperation) iyo Hay’adda Qaramada Midoobay ee Beeraha iyo Cuntada oo u saxiixay wakiilkeeda Soomaaliya Serge Tissot .

12/12/2018 8:50 AM EST
Arbaco, December, 12, 2018 (HOL)- Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah maanta ugu ambabaxay dalka Qatar.

12/12/2018 5:20 AM EST
Arbaco, December, 12, 2018 (HOL)-Qoraal uu ku saxiixan yahay guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ay heshay warbaahinta ayaa lagu sheegay in 09kii bishan uu qabtay sida uu hadalka u dhigay mooshin ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya

12/12/2018 2:42 AM EST
Deeqo Dhalac oo ah gabar Soomaaliyeed ayaa xalay oo talaado aheed ku guulaystay kursiga golaha dagaanka ee South Portland ee gobolka Maine ,Waxay si aad ah uga guulaystay nin in mudo ah ku lahaa ganacsi magaaladdaa oo lagu magagacaabo ,waxay deeqa heshay 1,418 cod halka Rolando helay 700 oo cod.

12/12/2018 1:39 AM EST
Arbaco, December, 12, 2018 (HOL)- Xukuumadda Somaliland ayaa dalka ka mustaafurisay shaqaale Ajanabi ah oo la sheegay inay shaqada hayeen ay qaban karaan muwaadiniinta Somaliland.

12/12/2018 1:06 AM EST
Arbaco, December, 12, 2018 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha siisay 32 ruqsadood oo Kalluumeysi, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda C/llaahi Bidhaan Warsame.

12/12/2018 12:36 AM EST
Arbaco, December, 12, 2018 (HOL)- Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in ciidamada Booliiska halkaa ku qabteen gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay.