4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 12, 2018
Guddoomiye Mursal oo markii ugu horeysay ka hadlay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha

 

Arbaco, December, 12, 2018 (HOL)-Qoraal uu ku saxiixan yahay guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ay heshay warbaahinta ayaa lagu sheegay in 09kii bishan uu qabtay sida uu hadalka u dhigay mooshin ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya.

Qoraalka ayaa oo ku socday dhamaanba xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa lagu sheegay in mooshinkan ay soo gudbiyeen xildhibaanno gaarayan 92 xildhibaan sidaa daraadeed  la waafajin doono sharciga iyo xeer hoosaadka u yaala Golaha Shacabka.

Warka ka soo baxay guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa u muuqda mid jawaab u ah qoraalkii uu shalay soo saaray xoghayaha Golaha Shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux oo sheegay oo in uu jabay mooshinka kaddib markii uu soo buuxin waayay tiradii loo baahnaa.

Akhriso Qoraalka guddoomiyaha Golaha Shacabka :

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]