4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 12, 2018
Dowladda Soomaaliya oo Shiinaha siisay ruqsad Kalluuumeysi

 

Arbaco, December, 12, 2018 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha siisay 32 ruqsadood oo Kalluumeysi, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda C/llaahi Bidhaan Warsame.

Shirkadda la siiyay ruqsada ayaa lagu magacaabaa COFA oo laga leeyahay dalka Shiinaha, ruqsad bixintan ayaa ah markii u horeysay muddo 30 sano ah oo si daah furan loo bixiyo shatiyo kalluumeysi ah oo la siinayo iskaashatooyin ka soo jeeda Shiinaha.

Wararka ayaa sheegaya in 32 shati ee ay bixisay Wasaaradda Kalluumeysiga lagu bixiyay lacag Malaayiin dollar ah oo si toos ah ugu dhici doonta Bangiga Dhexe.

Ruqsadaha Kalluumeysi ee la bixiyay ayaa waxaa fududeeyay heshiis bishii Febraayo ee sanadkan dhex maray dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada oo ku heshiiyay qaabka loo qeybsanayo kheyraadka dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]