4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 12, 2018
Walxaha Qarxa oo lagu qabtay magalada Baydhabo

 

Arbaco, December, 12, 2018 (HOL)- Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in ciidamada Booliiska halkaa ku qabteen gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay.

Wasiirka Wasaarradda Amniga maamulka Koonfur Galbeed Xassan Maxamed Xusseen Eelaay ayaa warbaahinta u sheegay in gaariga qaraxyada lagu soo raray lagu qabtay mid ka mid ah Koontaroolada laga soo galo magaalada isaga oo u mahad celiyay ciidamada qabtay gaariga.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in walxahan qaraxa ujeedadu aheyd lagu dhibaateeyo sida uu hadalka u dhigay shacabka reer Koonfur Galbeed.

Magaalada Baydhabo ayaa 19-ka Bishan isku diyaarinaysa qabsoomida doorasho ka dhacda magaalada Baydhabo ,iyadoo si wayn loo adkeeyay ammaanka magaaladaasi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]