4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 11, 2018
Cabdiqaasim Salaad: Waddanka waddadii burburka yaanan dib loogu celin

Talaado, December, 11, 2018 (HOL)- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa isagoo ku sugan magaalada Qaahira ee dalka Masar waxa uu sheegay in waddanka uu ka jiro isbaddal ballaaran loona baahanyahay in dalka aanan dib loo celin,sida ay baahisay wakaaladda wararka SONNA.

Cabdiqaasim Salaad ayaa ugu baaqay dhammaan Xildhibaannada inay muujiyaan isku duubni, sidoo kalana ay ka shaqeeyaan horumarka waddanka.

Sidoo kale,Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed aysan haatan diyaar u ahayn in dalka loogu celiyo wadadii bur-burka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]