4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 11, 2018
Camay oo ka laabtay dacwadii uu ka gudbiyay Cabdiweli Gaas

Talaado, December, 11, 2018 (HOL)–    Madaxweyne ku-xigeenka Puntland,Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa ka laabtay dacwad ka dhan ah madaxweynaha Puntland , taas oo salka ku haysay magacaabista guddiga xallinta khilaafaadka ee Baarlamaanka Puntland oo madaxwayne kuxigeenku ka horyimid guddigii madaxwaynaha uu magacaabay.

Camey ayaa dacwada u gudbiyay maxkamadda sare ee Puntland, balse qoraal ay baahisay warbaahinta gudaha ayaa lagu sheegay inuu madaxweyne ku-xigeenka ka tanaasulay dacwada.

Ma cadda in labada hoggaamiye ay ka heshiiyeen khilaafka dhextaagna ee la xiriiray magacaabiista guddiga xallinta khilaafaadka, mana jirto ilaa hadda wax faahfaahin ah oo u bixiyay madaxweyne ku-xigeenka.

Guddiga ansixinta iyo xallinta khilaafaadka ee u magacaabay madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas ayaa hadda howlahooda lagu wadaa inay billaabaan, xilli doorashada ay ka dhimantahay waqti koobaan.

Hoos ka akhri qoraalka madaxweyne ku-xigeenka Puntland;

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]