3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 11, 2018
Taliyaha ciidamada xoogga dalka oo ku baaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab

 

Talaado, December, 11, 2018 (HOL)-Sareeye gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kormeer ku tagay Saldhigga ciidanka kumaandooska Danab oo ku yaalla  Degaanka Balidoogle ee Gobolka Shabellada Hoose, awuxuunala yeeshay kulumo is xog wareeysi oo ku aadan sida ay u socdaan howlgalada qorsheysan.

Ciidankan ayaa ah kuwa fuliya weerarada gaarka ah ee Al-shabaab lagu Bartilmaameedsado, wuxuuna xusay Taliyaha in ciidamada danab ay yihiin indhaha ciidamada qalabka.

Indha-qarshe ayaa xusay sida ay ka go'an tahay in dalka laga xoreeyo kooxaha hubeysan ee dagaalka kala soo hor jeeda dowladda, isagoo tilmaamay in qorshaha taliska ciidanka Xoogga dalka uu yahay in la balaariyo ciidamada kumaandooska Soomaaliya si ay usoo afjaraan Al-shabaab.

Taliyaha ayaa faray Ciidamadan in ay aad isugu diyaariyan howlag xiliga uu bilaabanayo aanu shaacin kaas oo ka dhan ah waxa uu ugu yeeray Nabad diidka.

Maalin ka hor ayay aheyd markii Sareeye gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka isaga oo ku sugan xarunta Wasaaradda difaaca uu warbaahinta u sheegay in xubin dambe oo ka tirsan Al-shabaab ee lagu qabta dagaal aan la geyn doonin xabsi balse la toogan doono.

Hadalkaasi ayaa ka dhashay markii maalin qura la qarax lagu wada dilay saraakiishii hogaamineysay Guutada 12-ka April ee Ciidanka XDS, Taliyihii Guutada Jan, Cumar Aaden Dhubbad (Cumar dheere) iyo abaan duulihii Guutadaasi Jen, Cabdi Cali Jammaame. 

Nurre Mohamed Ali ,Hiiraan Online
[email protected] 













Click here
12/11/2018 1:40 PM EST
Talaado, December, 11, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay warbixin ay soo saartay hay’adda lacagta adduunka(IMF), taasoo lagu sheegay in Soomaaliya ay ku socoto waddadii horumarka.

12/11/2018 1:31 PM EST
Talaado, December, 11, 2018 (HOL)- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa isagoo ku sugan magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa waxa uu sheegay in waddanka uu ka jiro isbaddal ballaaran loona baahanyahay in dalka aanan dib loo celin,sida ay baahisay wakaaladda wararka SONNA.

12/11/2018 1:24 PM EST
Talaado, December, 11, 2018 (HOL)- Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo tacliin sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Cabdullaahi Goodax Bare ayaa kulan sagootin ah ugu Sameeyay magaalada Muqdisho Gudoomiye ku xigeynka Jaamacadda Africa ee ku taalla dalka Suudaan.

12/11/2018 1:18 PM EST
Talaado, December, 11, 2018 (HOL)- Xildhibaannada mooshinka ka keenay madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan ay maanta ku yeesheen xarunta Villa Hargeysa ayaa baaq u diray madaxweynaha.

12/11/2018 1:06 PM EST
Talaado, December, 11, 2018 (HOL)- Booqashadii ugu horreeysay oo wadajir ah ayaa lagu wadaa inay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ku tagaan hoggaamiyayaasha Itoobiya iyo Eritrea , sida laga soo xigtay ilo xogo-gaal ah oo ku dhow Villa Somalia.

12/11/2018 12:49 PM EST
Talaado, December, 11, 2018 (HOL)– Ciidamada ilaalada Villa Somalia waxaa ay dib u celinayaan gaadiidkii gali jiray madaxtooyada oo ay wateen shaqaalaha xarunta, kuwa dowladda, iyo xildhibaanada, marka laga reebo tiro yar oo heysta fasax gaar ah.

12/11/2018 10:37 AM EST
Talaado, December, 11, 2018 (HOL)-Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ilaa saddex ruux ay ku dhaawacmeen dibadbaxyo ballaaran oo loogu soo horjeedo madaxweynaha dowladda Soomaaliya.

12/11/2018 3:29 AM EST
Talaado, December, 11, 2018 (HOLXildhibaano katirsan golaha shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in guddoomiyaha ay u gudbiyeen mooshin ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

12/11/2018 3:22 AM EST
Talaado, December, 11, 2018 (HOL)– Madaxweyne ku-xigeenka Puntland,Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa ka laabtay dacwad ka dhan ah madaxweynaha Puntland , taas oo salka ku haysay magacaabista guddiga xallinta khilaafaadka ee Baarlamaanka Puntland oo madaxwayne kuxigeenku ka horyimid guddigii madaxwaynaha uu magacaabay.

12/11/2018 3:22 AM EST
Talaado, December, 11, 2018 (HOL)-Qoraal ka soo baxay xoghayaha Golaha Shacabka sidoo kale-na loo diray guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa lagu sheegay in uu buray sharciyan mooshinkii laga keenay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

12/11/2018 3:12 AM EST
Talaado, December, 11, 2018 (HOL)-Soomaaliya ayaa la filayaa in maanta ay markii ugu horreysay muddo 30 sano ah si daahfuran u bixiso shatiyo kalluumeysi oo la siinayo iskaashatooyin ka soo jeedo dalka Shiinaha.

12/11/2018 3:10 AM EST
Talaado, December, 11, 2018 (HOL)– Musharraxa xilka madaxweynaha Puntland ee doorashada 2019-ka,mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo booqasho ku jooga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa kulan qado sharaf la qaatay nabadoonnada,waxgaradka iyo qaybaha bulshada ee magaalada Gaalkacyo.

12/11/2018 2:56 AM EST
Talaado, December, 11. 2018 (HOL)-Xubno ka mid ahxafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo saraakiil ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa si horudhac ah ugu wajahan magaalada Doha ee caasimadda Qatar.

12/11/2018 12:58 AM EST
Talaado, December, 11, 2018 (HOL)–Sida laga soo xigtay qaar ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu la hadlo warbaahinta.

12/11/2018 12:41 AM EST
Talaado, December, 11, 2018 (HOL)–Iyadoo wali ay taagan tahay xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa soo ifbaxaya eedeymo culus oo qaar ka mid ah xildhibaannadu soo jeedinayaan