Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la filayo in saacadaha soo socda uu la hadlo warbaahinta
Talaado, December, 11, 2018 (HOL)–
Sida laga soo xigtay qaar ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka saacadaha soo
socda ayaa lagu wadaa in guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal
Sheekh Cabdiraxmaan uu la hadlo warbaahinta.
Guddoomiyaha ayaa la filayaa in
uu faah faahin dheeraad ka ah bixiyo mooshinka la keenay in laga soo gudbiyay
madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo waxa uu salka ku hayo iyo waliba wararka
sheegaya in uu xabsi guri ku yahay madaxtooyada Soomaaliya.
Qaar ka mid ah xildhibaannadii
xalay ku booqday hoyga uu ka degan yahay madaxtooyada ayaa sheegay in ay ka
boodeen sida ay hadalka u dhigeen biro dhaadheer oo xeen-daab looga dhigay
guriga uu degan yahay.
Marka la eego mooshinkan laga
keenay madaxweyne Farmaajo ayeey dad badani u arkayaan in uu dib dalka ugu
celinayo dhaqamo siyaasadeedkii horey-ba looga bartay dowladdihii isaga
danbeeyay dalka ee ahaan in lagu mashquulo khilaaf siyaasadeed iyo mooshinno
iska soo horjeeda oo marka danbe lagu hilmaamo howlihii kale ee dowladda.
Guddoomiye ku-xigeennada Golaha
Shacabka ayaa u arka arinta ku saabsan mooshinka laga keenay madaxweynaha mid
aan sharci aheyn islamarkaana aysan waxba kala socon, waxaana ay sheegeen in
waqtigan aan madaxweynaha wax mooshin ah laga keeni karin.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]