4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 11, 2018
Khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay mooshinka ka dhanka madaxweyne Farmaajo oo sii xoogeysanaya

 

Talaado, December, 11, 2018 (HOL)–Iyadoo wali  ay taagan tahay xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa soo ifbaxaya eedeymo culus oo qaar ka mid ah xildhibaannadu soo jeedinayaan

Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka kana mid ahaa tiro xildhibaanno ah oo xalay gurigiisa ugu tagay guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in go’doomintii ugu dareyd la saaray sida uu hadalka u dhigay guddoomiyaha iyo ciidamada ilaalada ka haya ee ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed.

‘’Guddoomiyaha gurigiisa markii aan tagnay waxaa ogaanay in xitaa laga jirtay Biyihii iyo cunnadii taasoo go’doomin lagu galinayo isaga iyo ciidamada xoogga dalka ee ilaalada ka haya’’ ayuu yiri xildhibaanka.

Maalintii shalay ayeey ahey markii xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya uu meel fagaaro ah ka sheegay in guddoomiyuhu xabsi guri ku yahay madaxtooyada Soomaaliya.

Xaalada siyaasadeed ee dalka ayaa sii cakirmeysa, tan iyo wixii ka dambeeyay markii shalay Mooshin laga gudbiyay Madaxweyne Farmaajo, waxaana muuqata in mooshinkaas uu kala jebiyay guddoonka iyo xildhibaanada oo haatan labo garab u qeybsan.

 

Laakiin wali arintan kama aysan hadlin madaxda ugu sareysa dalka sida madaxweynaha, ra’iisal wasaaraha iyo xitaan guddoomiyaha Golaha Shacabka oo aan wali la wadaagin warbaahinta qalalaasan siyaasadeed ee ka dhashay mooshinka laga keenay madaxweynaha.

Dadweyne ka careysanaa mooshinka oo shalay isugu soo baxay dariiq-yada magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in mar kale dalka la galiyo fowdo siyaasadeed iyo taageero u muujinaya madaxweynaha dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]