4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 10, 2018
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo kulamo la qaatay wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Talyaaniga iyo Safiirka Turkiga

Isniin, December, 10, 2018 (HOL)- Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya,  Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Talyaaniga, Emanuela Del Re.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Talyaaniga ayaa kulankooda uga wada hadlay xoojinta xariirka soo jireenka ah ee dalalka Soomaaliya iyo Talyaaniga,iyadoo kulanka uu daba socday booqashadii dhawaan uu madaxayne Farmaajo ku tagay Rome.

"Talyaaniga oo aan leenahay xiriir soo jireen ah ayaa nagu garab istaagay sidii aan uga soo kaban lahayn dhibaatooyinka dalkeenna soo gaaray." ayuu yiri Khayre.

Dhinaca kale, waxaa uu maanta ku qaabilay xafiiskiisa ra'iisul wasaaraha Soomaaliya safiirka cusub ee dowladda Turkiga u fadhin doona Soomaaliya, Mehmet Yilmaz.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Mehmet Yilmaz ayaa ka wada hadlay wada-shaqaynta iyo dardar gelinta xoojinta xariirka walaaltinnimo ee Turkiga iyo Soomaaliya.

Safiirka cusub ee Turkigu usoo magacaabay Soomaaliya oo beddelay safiirkii hore Amb. Olgan Bakar, ayaa madaxwayne Maxamed Cabdullahi Maxmed waxa uu maanta ka guddoomay warqadaha aqoonsiga safiirnimo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]