4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 10, 2018
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo la Kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Isniin, December, 10, 2018 (HOL)-  Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya,Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta xafiikiisa ku qaabilay safiirka cusub ee dowladda Turkiga usoo magacoowday Soomaaliya Maxamed Yilmaz ,waxaana ugu horreyn guddoomiyaha Golaha Shacabka uu danjiraha cusub kusoo dhoweeyay Soomaaliya oo hadda shaqadiisa ay toos uga billaaban doonto.

Guddoomiye Mursal iyo safiirka cusub ayaa kulankooda uga hadlay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada waddan iyo sidoo kale sidii dowladda Turkiga ay usii dar dar gelin laheyd taageeradda dhinacyada kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda.

Safiirka ayaa uga mahad celiyay guddoomiyaha Golaha Shacabka sida wanaagsan ee uu usoo dhoweeyay ,waxa uuna u sheegay in aad ugu faraxsanyahay in Soomaaliya uu safiir ka noqdo,isagoo balan qaaday in uu sii xoojin doono xiriirka wanaagsan ee labada dal ka dhaxeeya.

Gabagabadii,guddoomiyaha Golaha Shacabka ,Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dowladda Turkiga iyo Shacabkeeda uga mahad celiyay garab istaagooda Soomaaliya iyo sida ay mar walba uga go’antahay adkeynta Xiriirka labada wadan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]