4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 10, 2018
Wasiir Bayle oo faah faahiyey wajiga saddexaad ee Shuruudaha Deyn Cafinta Soomaaliya

Isniin, December, 10, 2018 (HOL)-  Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle  oo maanta xafiiskiisa ku qabtay kulanka bilaha ah oo u warbaahinta kula hadlo ayaa sheegay inta badan wajiga saddexaad ee shuruudaha deyn cafinta Soomaaliya ku xernaa oo ah 18 qodob inay ka gudubtay dowladda Soomaaliya, waxaana shuruudahaasi bud dhig u ah  kordhinta dakhliga dalka iyo hagaajinta maamulka Maaliyadda.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay rajo weyn ka qabto yabooh kale oo lacageed oo lagu abaalmarinayo sida ay ugu soo gudubtay sharuudaha deyn cafinta, waxaana uu soo jeediyey in wadajir loogu istaago sidii loogu guuleysan lahaa dadaalka Deyn cafinta.

Sannadka cusub ee 2019ka ayuu wasiirku ku tilmaamay sannadkii caalamka uu go’aan ka qaadan lahaa cafinta deymaha lagu leeyahay Soomaaliya.

40-dal oo Afrikaan ah ayaa galay nidaamka deyn cafinta caalamiga oo ay hogaaminayaan hay’adda lacagta iyo Bangiga Aduunka, waxaa ku haray saddex dal oo ay ku jirto Soomaaliya sida uu sheegay wasiirka Maaliyadda.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]