4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 10, 2018
Duqa Muqdisho oo la kulmay Wasiir Kuxigeenka arrimaha dibadda Talyaaniga

Isniin, December, 10, 2018 (HOL)-  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Talyaaniga Emmanuella Claudia Del-Re oo booqasho ku timid Muqdisho.

Kulanka Guddoomiyaha Gobolka iyo Wasiir ku Xigeenka ayaa waxaa looga hadlay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Talyaaniga iyo Soomaaliya, gaar ahaan sidii ay taageero uga geysan lahaayeen dib-u-soo celinta bilicdii Caasimadda iyo fulinta mashaariic waxtar leh oo bulshada Caasimadda shaqo abuur ka helayaan.

Duqa Muqdisho ayaa warbixin ka siiyey horumarrada kala duwan ee uu ku tallaabsaday Gobolka Banaadir, dadaallada dib u soo kabashada Caasimadda, caqabadaha jira ee la xiriira dhanka amniga iyo hiigsiga Maamulka ee ku qotama dib u dhiska iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Talyaaniga ayaa ka qeybgashay Bandhiga lagu muujinayey hodantinimada hab-dhismeedka magaaleed ee Muqdisho oo lagu soo bandhigay sawiradii hore ee caasimada tan iyo 1891dii oo dadweynihii ka soo qeybgalay ay aad ugu riyaaqeen, kuwaas oo isagu jirey Wasiiro, Xildhibaano labada gole, khubaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Dhankeeda, Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Dibadda Talyaaniga Emmanuel Claudio Del-Re ayaa ku bogaadisey maamulka Gobolka Banaadir qorsheyaashooda horumarineed iyo xaqiijinta hiigsiyada ay tiigsanayaan, waxa ayna tilmaamtay sida ay uga go’an tahay in ay kaalintooda ka geystaan horumarka, amniga iyo bilicda Caasimadda.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]