4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 10, 2018
Wiilkii badbaadiyay gudoomiyaha ONLF oo hadda dib ugula kulmay Jigjiga

Isniin, December, 10, 2018 (HOL)-   Waxaa magaalada Jigjiga ku kulmay gudoomiyaha Jabhadda ONLF Maxamed Cumar Cusmaan iyo darawal naftiisa halis u galiyay badbaadintiisa, markii dambana lix sano xabsi ah loo galiyay Jeel Ogaadeen.

Arrintaas ayaa dhacday ka dib markii sirdoonka dawladda Itoobiya ay ka war heleen in uu gudaha ku sugan yahay gudoomiyaha ONLF, gaarigii qaadi lahaa oo Soomaaliya looga soo diray iyo labo wiil oo la socdayna gacantay lagu dhigay sannadkii 2006-dii.

"Markii gaarigaasi fashilmay ayaa la go'aamiyay in la adeegsado gaadhi gudaha ku jira, aniga ayaana Qabridahar ka baxay, sidaas ayaana la igu soo raadiyay," ayuu yiri Guuleed Maxamed Axmed.

Siddeedii saac ee duhurnimo ama labadii ayaan ka dhaqaaqay magaalada Qabridahar, waxaana tagay meel u dhaxaysa tuulada Jiic iyo Laan Dheer halkaas ayaana galabkii oo dhan ku sugayay halkii saac ee habeennimo ama toddobadii ayaa la ii keenay admiraalka iyo madax kale oo jabhadda ah."
Guuleed oo BBC-da la hadlaya ayaa sheegay in safarkaasi uu ahaa mid aan sahlanayn, isla markaasna ciidammada Itoobiya oo ka war helay ay gooyeen jidkii loo marayay Gaalkacayo oo ay ku sii jeedeen.

"Si degdeg ayaan ugu jihaysanay" dhankaas iyo Laascaanood, markii aan magaaladaas u jirnay hal saac iyo bar ayuuse gaarigii naga jabay,"

Admiraaalku wuxuu la soo baxay taleefan turaayo ah oo uu watay, gaari kale ayaana u yimid, markaas ayaan is macsalaamaynay oon kala tagnay." ayuu yiri guuleed oo dib u milic sanaya safarkaas halista badan.

Guuleed ayaa birtii ka jabtay Burco looga keenay ka dibna jiho kale ka galay magaalada Qabridahar.
Inkastoo uu muddo nabad ku joogay, waxaa markii dambe xogtiisa helay sirdoonka Itoobiya wuxuuna lix sano ku jiray xabsiga jeel Ogaadeen.

Hay'addaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa ciidammada Liyuu Booliiska ku eedeeyay in ay xero ciqaab iyo meel dadka lagu bah dilo ah ka dhigeen xabsiga dhexe ee dawlad deegaanka Soomaalida oo ku caan baxay Jeel Ogaadeen.

Guuleed ayaa ka mid ah maxaabiista ka makhraati kacay arrintaas wuxuuna sheegay in isaga si gaar ah loo ciqaabi jiray maadaama oo uu badbaadiyay gudoomiyaha ONLF.

"Waan ogaa in aan naftayda iyo maalkaygaba ay halis u keeni karto balse waan u bareeray" ayuu yiri guuleed oo dib u milicsanaya wixii uu go'aankaas ka soo maray.

Dadka ay qiimaha wayn ugu fadhido ONLF iyo dagaalkii ay waday ma aha Guuleed iyo dadka shacabka ah ee taageera oo kali ah.

Balse Madaxweynaha cusub ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar ayaa ka mid ah dadka aadka ula dhacsan, wuxuuna sheegay in ay dhiigooda u hureen sharafta shacabkooda ayna mudan yihiin "in baal dahab ah lagu qoro".

Guuleed oo isbadalka dhacay aad ula dhacsanna wuxuu sheegay in uu gudoomiyaha ONLF salaamay balse aysan wali aad uga sheekaysan safarkii ay wada galeen ee noloshiisa saamaynta wayn ku reebay, wuxuuna rajaynayaa in ay mar uun wakhti wanaagsan wada qaadan doonaan.


Isha Warka: BBC