4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 10, 2018
Sacuudiga oo diiday codsi uga yimid Turkiga

Isniin, December, 10, 2018 (HOL)-   Wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga Adel al-Jubeir ayaa gaashaanka ku dhuftay codsi ay dowladda Turkiga Sacuudiga uga dalbatay in ay ugu soo gacan geliso laba sarkaal oo ka mid ah raga looga shakisan yahay in ay ka danbeeyaan dilka wariye Jamal Khashoggi.

Isaga oo wariyaasha kula hadlayay magaalada Riyadh ayuu Al-Jubeir sheegay in Sacduudiga uusan muwaadiniintiisa u gacan gilin dowlado kale.

Todobaadki hore ayay maxkamad ku taalla Turkiga soo saartay warqadihi lagu soo xiri lahaa Saud al-Qahtani, oo la-taliye sare u ahaa Amiir Mohammed bin Salman, iyo madaxii sirdoonka Sacuudiga Ahmad al-Assiri.

Labadani sarkaal ayaa ka mid ahaa koox saraakiil ah oo uu boqorka Sacuudiga xilka ka xayuubiyay, tasaoo loo arkay tallaabo uu Sacuudiga uga jawaabay dilkii wariye Jamal Khashoggi loogu geystay qunsuliyadda Sacuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul bishi October.

Bulshada Caalamka ayaa aaminsan in dilka wariye Jamal Khashoggi uu amray amiirka leh dhaxalka boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salman.

Isha Warka: VOA