4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 10, 2018
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo dacwad ka dhan ah madaxweyne Gaas u gudbiyay maxkamadda sare

Isniin, December, 10, 2018 (HOL)-   Madaxweyne ku-xigeenka Puntland,Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa maxkamadda sare ee Puntland u gudbiyay dacwad ka dhan ah madaxweyne Puntland, Cabdiweli Gaas, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Dacwadan ayaa salka ku haysa magacaabista guddiga xalinta khilaafaadka ee baarlamaanka ee dowladda Puntland oo madaxwayne ku-xigeenku ka horyimid guddigii madaxwaynaha uu magacaabay,iyadoo sarkaal ka tirsan maxkamadda oo ay xigatay warbaahinta gudaha uu xaqiijiyay jiritaanka warkan, waxaana uu sheegay maaddaama Puntland aysan lahayn maxkamaddii dastuuriga ee khilaafaadka noocan oo kalle xallin lahayd, ay shaqadeeda ay qabanayso maxkamadda sare ee Puntland.

Waxaa uu intaasi ku daray madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa inay diyaarsadeen qareenadii difaaci lahaa go’aamadooda, waxaana la filaya dawacda uu soo gudbiyay madaxweyne ku xigeenka in berri la dhageysto.

Waa markii ugu horraysay Puntland khilaaf uu soo kala dhexgalo madaxwayne iyo kixgeenkiisa, iyadoona dhanka kalle Puntland ay ku jirto ololihii doorashada.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]