4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 10, 2018
Musharrax Saciid Deni: Gaalkacyo maanta maalin ay ka adkeyd ayaan wax badan ka qabtay


Isniin, December, 10, 2018 (HOL)- Musharraxa xilka madaxweynaha Puntland ee doorashada 2019-ka, mudane Saciid Cabdullaahi Deni  ayaa galinkii dambe ee Axaddii shalay soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, halkaa oo si ballaaran loogu soo dhaweeyay.

Boqollaal ruux ayaa bannaanka hore ee magaalada Gaalkacyo ku soo dhaweeyay musharraxa iyo wafdiga uu hoggaaminayay oo socdaal ku maraya gobolka Puntland, iyagoo sheegay dadkii soo dhaweynta ka qaybgalay ee qaybaha bulshada in Musharrax Deni yahay shaqsi mudan in uu hoggaamiyo Puntland.

"Qoraxda waxaan u taaganahay, oo saacado badan sugeenay waxa ay tahay in aan helno Madaxweynihii naga saari lahaa dhibka aan ku jirno, Taageero ayaa kuu nahay, waxaad mudantahay in aad xilkaas ku guuleysato." ayuu yiri Nabadoon Xuseen Maxamuud oo ka mid ahaa waxgaradkii ka hadlay soo dhaweynta Musharrax Deni ayaa sheegay.

Musharrax Saciid Deni ayaa ugu horreyn u mahadceliyey dhammaan dadka ka qeybgalay soo dhaweyntiisa ayaa sheegay inuu magaalada Gaalkacyo ka soo qabtay howllo badan. "Gaalkacyo Imaatankeeda wax igu cusub ma ahan, Xilli hadda ammaankeeda ka xunyahay ayaa ka soo shaqeeyey, 1993-dii markii uu Cabdullaahi Yuusuf Gaalkacyo ka sameeyey Nabadeynta waxaa ahaa dadkii ugu horreeyey ee Gaalkacyo ka abuuray Ganacsi kana Furay Goobo waxbarasho, Xilligaas dadka joogay ciidan ayaa u badnaa waxa ay aheyd 1994-tii".

Musharrax Deni, ayaa Sheegay in uu ka mid ahaa dadkii ugu horreeyey ee qeybta ka ahaa horumarka iyo ammaanka Gaalkacyo....."Aniga waxaa ka mid ahaa dadkii Gaalkacyo wax u qabtay Abaal ayaa ku leeyahay, Abaalkaas in aad ii gudaan ayaa rabaa oo markale aan idin qabto wax ka fiican, Cabdiweli Gaas waa idinkaga fiicanahay, Waad Ogtihiin meesha uu ka yimid, Aniga diyaar ayaa u ahay Xoojinta Kaabayaasha Dhaqaalaha, Waxaa kaalin ka qaadanayaa Dhismaha iyo Horumarinta Dekedda Garacad"...

Musharrax Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ballan qaaday in uu wax ka qabanayo Nabadeynta iyo Walaaltinimada gobolka Mudug...."Waxaa idin ballan qaadayaa Nabadda iyo Walaaltinimada gobolka Mudug in aan waqti badan galiyo Habeen iyo Maalina u soo jeedno, Horumarka Gaalkacyo, Mudug iyo Puntland ninkii loo tilmaamayey ma ahi, wax badan ayaa ka ogahay haddaan guuleysto wax badan ayaa ka qabanayaa"..

Dhinaca kale, Musharrax Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan waqti badan qaatay waxa uu la yeeshay Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax, waxa ay kawada hadleen guud ahaa xaaladaha Puntland iyo doorashada xilka madaxweynaha Puntland oo la filayo in ay dhacdo 8-da Janaayo 2019.

Musharrax Saciid Deni ayaa Islaanka ugu mahadceliyey dadaallada iyo Nabadeynta uu wado.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]