4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 10, 2018
Dibadbaxyo ka dhan ah mooshinka madaxweyne Farmaajo oo ka socda Muqdisho


Isniin, December, 10, 2018 (HOL)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta inteeda badan ka soconaya dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo mooshinka laga keenay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Wadada Maka Al-Mukarama iyo qeybo ka mid ah  Waddada Wadanaha illaa  Sodonka ayaa la arkayay dadweyne isugu soo baxay oo ku qeylinaya erayo  ay uga soo horjeedaan Mooshinka laga keenay Madaxweyne Farmaajo.

Dibadbaxayaasha oo u badnaa dhalinyarro ayaa u muuqday kuwo abaabulan, waxaana qaarkood horkacaya guddoomiye waaxeedyada dowladda hoose ee gobolka Banaadir.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa shalay mooshin xil ka qaadis oo ka dhan ah Madaxweynaha u gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyadoo Guddoomiyuhu aqbalay.

Guddoomiye kuxigeenada Baarlamaanka ayaa sharci darro ku tilmaamay mooshinka Madaxweynaha, isla markaana aan xilligan loo baahneyn in dalka la geliyo qalalaase siyaasadeed.

Xaalada siyaasadeed ee uu dalku galay ayaa la ogeyn halka ay ku dambeyn doonto, waxaana Mooshinadan uu ka duwan yahay kuwii hore, marka loo eego xaalada uu dalka geliyay iyo sida Guddoonka Baarlamaanka ugu kala qeybsameen. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]