4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 10, 2018
Warbixin " Maalinta caalamiga ah ee xuquuqda Aadanaha

 

Isniin, December, 10, 2018 (HOL)-Sanadkan ayaa ah mid ka duwan sanadahii hore ee munaasibadda xuska maalinta caalamiga ee xuquuqda aadanha madaama Soamalia ay ka mid noqotay Golaha Qaramada Midoobay. ee Xuquuqda Aadanaha.

Xuska maalinta caalamiga ee xuquuqda aadanaha ayaa ah mid bulshada looga wacyi galinayaay ilaaalinta iyo dhowrida xaquuqda Aadanaha iyo In la joojiyo xadgudubyada ka dhanka ah Aadanaha,

10 Dec 1948 ayeey dunida isla garatay in maalinkan loo asteeyo maalinta xuquuqul Aadanaha Caalamka, Muqdisho – Maalinta Caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha waxaa la xusaa sanad kasta10-ka bisha Dec oo laga hadlaa Arimaha Xaquuqda Adanaha, 

Dalka Soomaaliya waxaa ka dhaca xadgudubyo dhinaca xuquuqul insaanka ma jiraan cid wax ka qabata oo daba gasha isla markaana gacanta ku soo dhiga cida xadgudubyada geysata si talaabo looga qaado una yaraato xadgudubyo dhinaca xuquuqul insaanka qiimayn la sameeyay ayaa muuqaneysa in soomaaliya ay ka mid tahay dalalka ugu badan Dunida ee lagala kulmo xadgudubyada xuquuqada insaanka.

Ifraax foundation waa hay,ad ka howl gasha dalka soomaaliya iskuna howsha uruurinta Xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka iyadoo gaarta goob walba oo xadgub ka dhan Ah xuquuqul insaanka laga sheego haddii ay ahaan lahayd tuulo, Magaalo , ama gobol waxaa ay kor u qaadaa una doodaa dadka dulman oo ay codkoodana kor u qaadaa,

Sanadkan waxaa Soomaaliya ka dhacay xadgud aad u weyn oo dhinaca xuquuql insaanka tusaale ayaan u soo qaadanaynaa labadii dhacdo ee ugu waa-weynayd.

Waxaa jirta Gabar yar oo lagu xadgudbay xuquuqdeeda laguna sameeyey gudniin iyadoo Markii la sheegay in ay u dhimatay dhiig bax goobta waxaa gaartay Ifraax Axmed madaxa Ifraax foundation si ay arintaasi u soo xaqiijiso.

Xarunta Ifraax Foundation ayaa gaartay deegaanka ay gabadhaasi ku geeriyootay waxaa ay la Kulantay familka gabdha geeriyootay ee magaceeda lagu sheegay Deeqo Daahir Nuur da'adeeduna ahayd 10 jir waxay ku dhalatay tuulada olol oo in ka badan 50km u jirta Dhuusa Mareeb.

Gabadha 10 jirka ah ee dhiig baxa u geeriyootay ma jiraan cidii arintaasi soo abaabushay ama ka danbaysay gudniinkaasi dhiig baxa keenay cid loo soo qabtay oo xukun lagu riday.

Arintan gabadha 10 jirka ee dhiig baxa u dhimatay ayaa waxaa Iftaax Foundation la soo xiriiray oo sheegay in uu aad uga xun yahay dabagalna ku samayn doono xeer ilaaliyaha guud ee qaran Dr Axmed Cali Daahir oo aad ugala shaqeeya xarunta Ifraax Foundation dhinaca xadgudubyada xuquuql insaanka.

Dhacdada labaad ayaa waxaa ay ahayd dil loo gaystay nin gawaarida samayn jiray oo la yiraahdo Axmed Mukhtaar Saalax (Axmed Dowlo). Axmed dowlo Alaha u naxariistee waxaa loo dilay wiil uu Adeer u yahay oo guursaday gabar ka soo jeeda beelaha ugu tunka weyn Soomaaliya iyadoo gabadha ehelkeeda ay arinta arooska ka soo hor jeesteen oo diiday guurkaasi wiilka iyo Gabadha oo arintaasi ka madax Adeegaya ayaa isla baxsaday waxa ay keentay in wiilka Adeerkiis Axmed Mukhtaar Saalax (Axmed , Ifraax Axmed gudoomiyaha hay,ada Ifraax Foundation ayaa kulan la qaadatay Ra'iisal wasaare ku xigeenka dalka filand H.E. Mr. Samuli Virtanen iyo Madaxa Hey'adda UNDP u qaabilsan arimaha Somalia Mr. George Conway iyagoo ka wada hadlay sidii loo joojin lahaa xadgudubyada ka dhanka ah xuquuql insaanka iyo gudniinka fircooniga. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]