Isniin, August, 06, 2018 (HOL)–Boqolaal Itoobiyaan
ah oo ka soo qaxay Jig-jiga ayaa soo gaadhay magaalo xuduuddeedka Tog-wajaale
gaar ahaan dhinaca Somaliland.
Itoobiyaankan ayaa u badan qoomiyada Oromadda,
gaar ahaan waa dadkii ka ganacsanayey Jig-jiga ee hantidoodii la boobay, kuwaas
oo amaan soo biday Wajaale maadaama oo aanay u gudbin Karin dhulkoodii.
Sidoo kale, waxa iyaguna cabsi badan qaba
soomaalida degan Jig-jiga oo ka baqaya in dushoodda la isku qabsado oo
ciidamada Liyuu booliska iyo kuwo Fadaraalka Itoobiya magaalada isku dul
qabsadaan, waxaana jiray Soomaali badan oo iyaguna ka soo qaxay Jig-jiga
oo soo gaadhay Wajaale.
Qaxootigan Wajaale soo galay ayaa haysan cunto
iyo wax ay ku noolaadaan, kuwaas oo dawladda Somaliland ka dalbaday in wax loo
keeno, waxa iyaguan hore usii joogay Wajaale ganacsataddii Wajaale wax ka
iibsan jirey ee noqonayey oo meel ay maraan waayey, kuwaas oo labadii cishe u
dambeeyey ku sugnaa Wajaale.
Dadkii joogay Wajaale iyo kuwii joogay Jig-jiga
ma haystaan meel ay u maraan dhulkoodii, waxaanay ka baqayaan in dhexda
gaadiidka lagala tago.
Dhinaca kale, ciidanka Amniga ee gobolka Togdheer
ayaa soo qabtay Gaadhi Bas ah oo nooca waaweyn ah kuwaas oo xadka lagala soo
talaabay iyagoo ay saaran yihiin Rakaabkii, waxaana hadda gacanta ku haya
ciidanka Amniga oo baadhaya, waxaana loo malaynayaa in lagala soo baxsaday
Jidka u dhexeeya jigjiga iyo Addis waana baabuurtii iskaga kala gooshi jirtay
Itoobiya dhexdeedda.
Magaalada Jig-jiga ayaa bililiqo badani ka
dhacday, waxaana la dhacay meheradihii dadka aan Soomaaliga ahayn, kuwaas
dadkii lahaana qaarkood la laayey, waxaana Hargeysa maydkeedii shalay lagu
aasay haweenay Itoobinaadan balse caruur soomaali ah dhashay oo meherad ku
haysatay Jig-jiga oo dadkii ku geeriyooday k amid ahayd, taas oo la
waayey meel lagu aasay oo Hargeysa loo keenay in lagu duugo, maadaama oo qaar
kamid ah eheladoodu Hargeysa ku sugan yihiin.
Dhinaca kale, Jaadkii ayaan shalay galinkii hore
iman, waxaanay gaadiidkii Jaadku ka soo wareegeen Degmadda Xariirad ee gobolka
Awdal, waxaanay yimaadeen Hargeysa galinkii dambe.
Jaadkii ayaa soo mari kari waayey jidkii uu hore
usoo mari jirey ee jig-jiga iyo Wajaale, waxaanu ka soo wareegay waddo raf ah
oo aad u dhib badan taas oo ku keentay inuu masaafo fog soo wareego oo uu soo
maray Xariirad.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.