Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka mid ka mid ah beellaha Soomaaliyeed oo eedeyn u jeediyay dowladda dhexe
Talaado, August, 28, 2018 (HOL)–Kulanka oo ay ka
qeybgaleen siyaasiyiinta, wax-garadka, haweenka iyo dhalinyarada beesha
Xawaadle ayaa lagu eedeeyay dowladda dhexe ee federaalka in ay hareer-martay
hannaankii awood –qeybsiga 4.5 kuna tumatay sida ay hadalka u dhigeen xuquuqdii
ay beeshu ku laheyd dowladda dhexe.
Siyaasiyiintii iyo waxgaradkii ka hadlay kulanka
ayaa sheegay in madaxda ugu sareysa, gaar ahaan madaxweynaha dowladda
Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre mas’uul ka yihiin cadaallad
darrada lagula kacay beesha, iyadoo dhamaan-ba xilalka laga qaaday mas’uuliyiintii
ay ku lahaayeen.
Ugu danbeyntii, kulanka ayaa laga soo jeediyay
War-saxaafadeed ka koobnaa toddobo qodobo oo dhignaa sidatan :
1 :-Beeshu waxaa ay ku dulman-tahay awood qeybsiga
xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay xaq u laheyd Wasiiru-dowle iyo Wasiir
ku-xigeenka oo ah mid ku saleysan qaab dhismeedka awood qeybsiga xukuumadda.
2 :- Xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale ku
xadgudubtay xubnihii ay beeshu ku laheyd ciidamada, sida Taliyihii
nabad-sugida, Taliye ku-xigeenka Booliiska iyo Taliyayaashii kale ee
hoggaannada ciidamada oo dhamaan xilalkii ay ka hayeen dowladda laga qaaday.
3:- Sidoo kale maamulka dhexe ee dowladda sida Xog-hayayaasha
joogtada ah iyo Agaasimayaasha Wasaaraddaha oo aan beesha laga siin-saamiggii ay ku laheyd.
4:- Sidoo kale beesha waxaa ay ku dulmantahay sida lagu yiri war-saxaafadeedka
xuquuqdii ay ku laheyd gobolka Banaadir iyo guud ahaan marka la eego qaab-ka
dhismeedka waax-yaha maamulka gobolka.
5:- Beesha ayaa sidoo kale dalbatay in sida ugu
dhaqsiyaha badan cadaallada loo mariyo dadka u xiran eedeymaha la xiriira
musuqmaasuqa, qofkii aan wax-danbi ah laheyn-na fursad loo siiyo in u howshisii
sii wato.
6 :- Madaxda ugu sareysa dalka ayeey u soo jeedisay beeshu wax in laga qabto tabashadooda iyo cadaallada darrada ay tirsaneyso sida
ugu dhaq-siyaha badan lana soo celiyo dhamaan-ba xuquuqihii
awood-qeysiga oo ay ku laheyd dowladda dhexe.
7:- Ugu danbeyntii madaxda ugu sareysa
dalka ayaa loogu baaqay in haddii aysan u dhaga-nuglaan tabashada beesha ee ah in ay hesho xaqii ay ku laheyd
dowladda dhexe in ay qaadan doonaan
iyaga oo wada jira go’aan kama danbeys ah.
Eedeynta beesha ayaa imaneysa xili dhawaan
madaxweynaha dowladda Soomaaliya uu isku shaan-dheyn ku sameeyay hoggaanka
ciidamada, dhinaca kala xabsiga la dhiggay xubno ka tirsanaa waax-yaha dowladda
oo ku eedeysan musuq-maasuq.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]