Madaxweynaha cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida oo Jigjiga lagu soo dhaweeyay

Axad, August, 26, 2018 (HOL)- Madaxweynaha cusub ee dowlad deegaan-ka Soomaalida Itoobiya
Mustafe Maxamuud Cumar Cagjar ayaa isaga iyo wafdi ballaaran oo uu horkacayo
waxaa ay tageen magaalada Jigjiga ee xarunta u ah dowlad deegaan-ka Soomaalida.
Wafdiga waxaa ka mid ah ahaa mas’uuliyiin sar sare oo uu ka
mid ahaa wasiirka Isgaarsiinta Itoobiya ahna guddoomiyaha xisbiga tallada haya ee Ismaamulka Soomaalida Axmed Shide iyo
siyaasiyiin uu ka mid ahaa Faarax Macalin.
Boqolaal dad-weyne ah ayaa ku soo dhaweeyay magaalada
Jigjiga madaxweynaha cusub iyo wafdiggiisa, isaga oo la dajiyay madaxtooyada
magaalada Jigjiga oo wali amnigeeda ay sugayaan ciidamada federaalka Itoobiya.
Madaxweyne Mustafa ayaa lagu wadaa in uu shir
guddoomiye kulan loogaga hadlayo mustaqbalka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya
kaasoo la filayo in uu dhowaan ka furmo magaalada Jigjiga.
Jabhada ONLF ayaa soo dhaweysay doorashada
madaxweyne Mustafe oo ay ku tilmaameen in uu yahay shaqsi leh himilooyin-kii
iyo hadafkii uu muddaba u soo dagaalamayay Ururka oo ah in la helo midnimo Soomaaliyeed.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
diini@hiiiraan.com