Axad , August, 26, 2018 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa fariin digniin ah u dirtay ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliiska ee caadeystay sida ay hadalka u dhigtay in ay dad-weynaha ka qaadaan lacago sharci darro ah.
Taliye ku-xigeen-ka hay’adda danbi-baarista
Bashiir Nuur Geedi ayaa sheegay in ay jiraan askar caadeystay in hubka iyo
muuqaalka ciidamada ay ku hantadaan bulshada iyaga oo ka qaadanaya lacago aan
sharci aheyn.
Maalintii shalay ayeey aheyd markii ay dowladdu
sheegtay in 28 ruux oo isugu jira saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Booliiska
Soomaaliyeed loo xiray arrimo la xiriira musuqmaasuq.
‘’Askari laga aqbalayo malaha in hub-ka iyo hey-bada
ciidamada u bulshada ku dhibaateeyo, gaar ahaan waxaa fariintan loo dirayaan
askarta caadeysatay in bulshada ka qaataan lacagaha baadda ah’’ ayuu yiri
Bashiir Nuur Geedi.
Ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa
Booliiska Soomaaliyeed ayaa muddo dheer-ba loo jeedinayay eedeymo la xiriira in
ay qaataan lacago aan sharci ku dhisneyn, kuwaa oo qaarkood qaadashada lacagaha noocaa ah u dilay qaar ka mid ah
dhalinyarada ku shaqeysata gaadiidka dad-weynaha marka ay isku dayaan in ay ka
biyo diidaan bixinta lacagaha baaddda ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]