Sabti, August, 25, 2018 (HOL) – Ururka ONLF ayaa markii ugu
horeyay soo dhaweeyay madaxweynaha cusub ee dhawaantan loo doortay dowlad
deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Max’uud Cumar Cagjar sida uu Idaacada VOA
u sheegay afhayeenka ururka.
Afhayeenka ONLF Cadaani Hirmooge ayaa sheegay in ay si
buuxda ula shaqeynayaan madaxweynaha, cusub laakiin waxaa uu ka digay in
dowladda dhexe ee Itoobiya ku lug yeelato arrimaha gudaha ee ismaamulka
Soomaalida Itoobiya.
‘’Annaga madaxweynaha cusub waxaa u aragnaa Nin dhalinyaro
ah oo hay’addo caalami ah ka soo shaqeeyay oo wadani ah oo runtii wax yaabo
badan oo muhiim ah ay ONLF ka mideysan yihiin’’ ayuu yiri Hirmooge.
Mar wax laga weydiiyay wax yaabaha ka mideysan yihiin ayuu
ku jawaabay’’ Waxaan ka mideysannahay midnimada umadda Soomaaliyeed, midnimada
dhulka, xaquuqda dadka Soomaaliyeed iyo taariikhda dadka Soomaaliyeed ee
deegaanku leeyihiin ayuu yiri’’ afhayeenka ONLF .
Wuxuu shegay in madaxweynaha cusub ee dowlad
deegaanka iyo xubno ka tirsan Ururka isku arkeen sida uu hadalka u dhigay
magaalada Addis Ababa isaga oo yiri’’ “Madaxweynaha kulan qiimo badan ayaa na
dhaxmaray, kulankaana si aad u qiimo badan ayuu u dhacay, is afgarad weyn-na
waan gaarnay,. Rajo bandanna waxaan ka qabnaa hadafkii jabhada ee ahaa in dadka
Soomaaliyeed la mideeyo in la heli doono.
Dhawaan ayeey aheyd markii madaxweynaha cusub ee
dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar uu sheegay in la badali doono magaca
iyo calanka dowlad deegaanka meesha-na laga saari doono ereyga Itoobiya ee ku
lamaansan dowlad deegaanka Soomaalida, waxaana muuqata in ONLF arintaa siweyn u
soo dhaweynayaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]