Rabshado khasaare sababay oo maanta ka kala dhacay magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaareey
Jimco, August, 24, 2018 (HOL)-Sida goob-jogayaal ay u xaqiijiyeen Laanta afka
Soomaaliga ee VOA-da ciidamo ka tirsan maamul gobolleedka Jubbaland ayaa
weeraray saldhig ciidan magaalada Kismaayo, waxaana weerarkan la xaqiijiyay in
ay ku dhaawac-meen Labo ruux.
Xerada la weeraray oo lagu magacaabo Fiyaat waxaa
deggan ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugida Jubbaland, iyadoo raggan weeraray isku dayeen in ay la
baxaan maxaabiis ku xirneyd saldhigga.
Dhinaca kale magaalada Garbahaarey rabshado ay
dhiggeen dad ka soo horjeeday maamulka Jubbaland ayaa lagu dhaawacay wasiirka
Qorsheynta ee maamulka Jubbaland Aadan Aw Xirsi oo booqasho ku joogay
magaalada Garbahaareey.
Wasiirka oo hadlay ayaa sheegay in uusan hadda
qabin dhaawac –daran laakiin wax soo gaaray uu yahay Dakhar oo kaliya, isaga oo
yiri ‘’Saakay ayaa naloo sheegay in magaalada ay koox isku abaabuleyso oo
maamulka Jubbaland diidan, Anniga mudahaaraad iska nabad-galyo ah ayaan u
qaatay dhib ma laha ayaan iri, bannaanka ayaa u baxay dadkii ayaan u yeeray
markii ay ii soo dhawaadeen Makarafoonka la ii dhiibay oo aan doonayay in
aan hadalka bilaabo ayaa carruur yar yar oo mudahaaraadka qeyb ka ahaa dhagax
igu soo tuureen dhagaxiii ayaana madaxa iiga dhacay’’ ayuu yiri Wasiirka.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in magaalada
Garbahaareey uu u tagay qaban-qaabada shir halkaa ka dhici lahaa
bisha danbe ee September oo ay ka soo qeyb-gali lahaayeen hay’addo caalami ah.
Ilaa iyo hadda maamulka Jubbaland kama uusan
hadlin rabshadahan maanta ka kala dhacay magaalooyinka Kismaayo iyo
Garbahaareey.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]