Ku simaha madaxweynaha DDSI oo ka hadlay xoriyatuqalka iyo ilaalinta xuquuqda bani’aadanka
Khamiis, August, 23, 2018 (HOL)- Ku simaha
madaxweynaha cusub ee DDSI Mustafe Muxumed Cumar Cagjar ayaa sheegay in
xoriyatul qawlkii iyo xuquuqda banidaa’nimada la ilaalinayo, waxaanu tilmaamay
in wax kasta laga hadli karo haday tahay dastuurka Itoobiya iyo haddii isaga
laftiisa la daacayadaynayo.
“Caalam-ka in madaxda wax laga sheego oo la
faaleeyo oo habdhaqankiisa iyo sida uu u shaqaynayo in laga hadlaa lacag baa
lagu helaa, laakiin xageena dacaayad baa la yidhaahda oo waa la isku xidhaa,
maanta wixii daacayadayna wax xor baad tihiin waxna waad iga sheegi kartaa,
waxaad doontaan waad ka hadli kartaa.”ayuu yidhi Cag-jar.
Waxaa kale oo uu intaas ku daray “ laba qodob uun
baa la ogolayn in qabiilo la isku dhufto, waa la odhan karaa reer hebel baa
madaxweynaha dabayaacaya amba wuu u badiyey reerkooda, taasi dhib ma leh
laakiin ta la diidan yahay waa in reer hebelow reer hebel weerara, dastuurka
Itoobiya laga hadli karaa ma ogolin baa la odhan karaa, madaxweynuhu dadku ka
mid yahay oo wax waa la iga sheegi karaa, daacadayaha aana idin bilaabaya
oo waad odhan karta marna Ina Illay baa haysta marna Ina Cag-jar baa
haysta dadkii aan isha iyo lugta lahayni aaway baad odhan kartaa”ayuu raaciyey
hadalkiisa.
Ugu dambey-ntiina waxaa lagu soo xiray heestii
Soomaaliyeeyey toos oo isku tiirsaday oo si wada jir ah u qaadayeen.
Madaxweyne Mustafe Cag-jar ayaa ku dooday in
dadka la bah-dilay oo loo diiday inay fikirkooda soo bandhigi karaan, isagoo
u ballanqaaday in aanay cidi waxba odhan Karin oo siday doonaan usoo
bandhigi karaan xoriyadoodda.
Barkhad-ladiif M. Cumar,
Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.