4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 20, 2018
Kenya oo dhalinyarada ka wac-yi-galineysa ku biirista Al-shabaab

 

Isniin, August, 20, 2018 (HOL) – Saraakiisha Amaanka dalka Kenya ayaa sheegay in uu socdo qorsheo dhalinyarada xuduuda Kenya iyo Soomaaliya ku nool ay kaga wacyi gelinayaan ku biirida Ururka Al Shabaab.

Gaar ahaan qorshan cusub ayaa beegsanaya dhalinyarada si ay uga dhaadhiciyaan sidii aysan ugu biiri laheyn Al Shabaab oo ay sheegeen inay dhibaatooyin badan ku hayaan gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.

Shir ka furmay gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda amniga dalka Kenya ayaa dhalinyarada looga wac-yi- gelinayaa ku biirista Al Shabaab, wuxuuna shirkan soconayaa muddo Saddex maalmood ah.

“Waxaan ka koobanahay dhalinyaro kala duwan oo ka kala yimid degaano ka kala tirsan gobolkan, waxaan iska kaashanaynaa sidii aan uga hortagi laheyn falalka ammaanka ka baxsan ee ka dhaca gobolkan, Al Shabaab halkan waxa ay ku yeesheen saameyn, waxaan dooneynaa inaanu kala saarno dhalinyarada aamisan fikirka Shabaab iyo dhalinyarada caadiga ah”. Ayeey sheegtay Khadiija Cali oo mid ah dadka u dhaq dhaqaaqa arrimaha bulshada.

Kenya ayaa siweyn ula taacleysa ka hortaga weerarrada uga imanaya Ururka Al-shabaab oo loo adeegsado inta badan dhalinyaro Kenyaan ah oo gaar ahaan ka soo jeeda gobolka Waqooyi Bari.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]