Khamiis, August, 02, 2018 (HOL) -Wararka naga soo gaaraya magaalad Garoowe ee xarunta
maamul gobolleedka Puntland ayaa sheegaya in maanta lagu wado in uu halkaa ka
furmo shirkii golaha Wasiirrada Soomaaliya ee todobaad walba maalinta Khamiista
ah lagu qaban jiray magaalada Muqdisho.
Shalay waxaa gaaray Garoowe xubnaha Golaha
Wasiirradda Soomaaliya oo uu halkaa uga sii horeeyay ra’iisal wasaare Xassan
Cali Kheyre labadii cisho ee la soo dhaafayba ku sugnaa xarunta dowlad
gobolleedka Puntland.
Warar xog-ogaal ah oo ay heshay Hiiraan Online
ayaa sheegaya in dhinaca kale ay jirto xiisad ka dhalatay cambaareyntii loo
jeediyay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo uu lagu eedeeyay
in uu ka biyo–diiday ka qeybgalka dhagax-dhiggii dekedda Garacad, taasoo
carreysiisay siyaaasiyiinta iyo wax-garadka Puntland.
Ilo-lagu kalsoonaan karo oo aan xiriir la
sameynay ayaa inoo sheegay in shalay diyaaradii siday xubnaha Golaha Wasiiradda
wax xooggaa uu hakad ku yimid, kaddib markii uu booq iyo is-mari-waag ka dhashay imaashiyahooda uu ka dhacay gudaha
garoonka.
Ilaa iyo xalay waxaa magaalada Garoowe ka
soconayay kulamo iyo wada hadallo la doonayo in lagu xaliyo khilaafka la
xiriira ka qeyb-gal la’aanta ra’iisal wasaaraha dhagax-dhiggii dekedda Garacad.
Shirka Golaha Wasiiradda ee maanta ka furmaya
Garoowe ayaan la ogeyn ajandaha iyo qodobada looga hadlayo.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]