Dowladda Soomaaliya oo xirtay qaar ka mid ah howlwadeennada dekedda Xamar oo ku eedeysan musuq-maasuq
Axad, August, 19, 2018 (HOL) –
Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay xariga 10 xubnood
oo ka tirsanaa howlwadeennadii dekedda Muqdisho oo ku eedeysan musuq-maasuq iyo
xatooyo xoolo dad-weyne.
Dadka la soo xir xiray oo isugu
jiray mas’uuliyiin iyo qaar ka mid ah ciidamada ilaalada canshuuraha dekedda
ayaa xabsiga la oo dhiggay kaddib markii lagu eedeeyay in ay musuq-maasuqeen
hantidii ay maamulkeeda gacanta ku hayeen.
Gen Cabdullaahi Xassan Bariise oo
ah taliyaha hoggaanka Canshuuraha Barriga ayaa warbaahinta u faah faahiyay
xarigga mas’uuliyiinta.
‘’Waxaa dekedda magaalada
Muqdisho laga soo qabtay eedeysanayaal 10 qof ah kuwaas oo ku eedeysan xatooyo
xoolo dadweyne, dhamaan eedeysanayaashan waxaa ay ka shaqeynaayeen maamulka
canshuuraha dekedda Muqdisho’’ ayuu yiri Gen Bariise.
Dowladda Soomaaliya ayaa
maalmihii ugu danbeeyay-ba ku howlaneyd ka hortaga musuq-maasuqa, waxaana xusid
mudan in dadka arrimahan lagu soo eedeeyay islamarkaana shaqo joojinta lagu
sameeyay ka mid yihiin Wasiirro, Saraakiil Ciidan, Garsoorayaal maxkamadeed iyo
Agaasime waaxeedyo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]