4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 17, 2018
Jabuuti : Xiriirka Soomaaliya nagala dhaxeeya wuxuu sii ahaan doonaa mid xooggan

 

Jimco, August, 17, 2018 (HOL) – Wasiirka arrimaha dibedda dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa boggiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal kooban oo uu uga hadlayo xiriirka labada dowladood Jabuuti iyo Soomaaliya.

Wasiirka ayaa Qoraalkiisa ku sheegay in xiriirka dhaxeeya labada dal uu sii ahaan doono mid xoogan marka loo eego khilaafkii dhawaan ka dhashay booqashadii madaxweynaha Soomaaliya bishii tagtay ee July uu ku tagay magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Booqashada madaxweyne Farmaajo ee dalka Jabuuti uu ku joogo iyo kulamada uu la qaatay dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle ayuu ku sheegay in ay dhidibada u sii adkeyn doonto xiriirka walaal-timo ee labada dowladood.

Dhab ahaa lama shaacin wax –yaabaha ay ka wada hadleen labada madaxweyne iyo wax ay iska yiraaheen tabashadii ay Jabuuti ka muujisay khudbadii madaxweyne Farmaajo ee Asmara, haddana dhinaca dhinaca kale waxaa iska muuqata in kulamdii ugu danbeeyay ee dhacay leys kula soo qaaday arrintaa iyada ah.

Jabuuti waxaa ay qeyb ka tahay howlgalka midowga Africa AMISOM waxaan Soomaaliya ka jooga Kumannaan ciidamo ah oo gaar ahaan ka howlgalka gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]