Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo looga yeeray Addis Ababa
Khamiis, August, 16, 2018 (HOL)- Wararka ka
imanaya Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in magaalada Addis
Ababa looga yeeray wasiiradda, ku xigennadoodii, maareerayayaasha wakaaladaha,
gudoomiyayaasha 11-ka gobol ee uu deegaanka ka kooban yahay iyo dhammaan dadka
uu xilalka u magacaabay maamulkii hore ee aan shaqaalaha caadiga ahayn.
Waxaa caasimadda horay usii joogay xubnaha golaha
dhexe ee xisbiga dimuqraadiga ee shacabka Soomaalida Itoobiya oo 45 xubnood ka
kooban ayna ku jiraan madax-weynaha iyo afhayeenka baarlamaanka.
Dadka qaar ayaa sheegaya in sababta
mas'uuliyiintaasi la isugu geeyay Addis Ababa ay tahay qiimeyn lagu sameynayo
shaqadooda iyo isla xisaabtan.
Dhanka kale, taliye sare oo ka tirsan ciidammada
Itoobiya ayaa BBC u sheegay in aanu hadda jirin qorshe lagu kala dirayo
ciidanka deegaanka Soomaalida ee Liyu Booliiska, sida uu BBC-da u xaqiijiyay
Sareeye gaas Maxamed Tesema oo ah agaasimaha xiriirka bulshada ee wasaaradda
gaashaandhigga ee Itoobiya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]