Arbaco, August, 15, 2018 (HOL)- Magaalada
Muqdisho waxaa maanta si rasmi ah xariga looga jaray Bandhigga Buugaagta oo sanad walba la qabto, iyadoo sanadkan uu
noqonayo kiisii Afaraad.
Ra’iisal wasaare ku-xigeenka
Soomaaliya Mahdi Maxamed Guulleed Khadar ayaa xariga ka jiray Bandhigan
Buugaagta, iyadoo sidoo kalana ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin uu ka mid yahay
Duqa magaalada Muqdisho.
Muddo saddex cisho ayaa lagu
wadaa in Bandhigan uu socdo, iyadoo ay ka soo qeybgalleen dadweyne kala duwan
oo isaga kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir iyo gobollada dalka
Soomaaliya, Abwaanno, Qoraa-yaal Soomaaliyeed dad intooda sida weyn u akhriya
oo dhamaantood xiseynaya Bandhiggan.
Marka soo tago Buugaagta halkaa
lagu soo bandhigayo, sidoo kale waxaa jira wax yeebe kale oo ka tarjumaya Dhaqanka iyo
Hidaha Ummadda Soomaaliyeed oo u badan murti iyo
suugaan barbar socta bandhigga.
Bandhigga noocan ah ayaa wax weyn
ka taraya dib u dhiska garaadka da’yarta Soomaaliyeed iyo in laga gudbo jahliga
loona talaabo aqoon iyo dib u dhis iyo hormarka dalka oo ka soo kabanaya
dagaallo sokeeyo oo muddo dheer daashaday.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]